Wasiir Xoor-xoor Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Carwadda Shaqo Abuurka

0
356

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed (Eng. Cali xoorxoor), ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la qabanayo carwada shaqa-abuurka heer qaran.

Waxaanu sheegay wasiirku in carwadaasi shaqo abuurta sanadkan lahu qabanayo magaaladda Boorama.

Taasoo bilaabmi doonta 10 ilaa 11 bishan May ee aan ku jirno ee sanadkan 2023-ka.


Shaacinta qabsoomida carwadda shaqo abuurka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradasi.

Dhanka kale masuuliyiinta wasaaraddu waxay hambalyeyeen dhamaanba shaqaale waynaha dalka munaasibada maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May, oo beri ku beegan awgeed.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here