Wasiir Qambi Oo Ceerigaabo Ka Daah-furay Mashruuca Naqshadaynta Magaaladda

0
873

Ceerigaabo (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud dhulka iyo Guriyaynta ee Somaliland ayaa maanta magaaladda Ceerigaabo ka daah-furay mashruuca naqshadaynta (master plan) ee magaaladaasi.


Mashruuca naqshadaynta magaaladda Ceerigaabo laga samayn doono waxaa fulinaysa wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland.
Kaasoo dib habayn loogu samaynayo Jidadka magaaladda, isla markaana wax ka bedel lagu samaynayo dhismeyaasha waddooyinka soo galay.


Munaasibadii lagu daah-furayay mashruucaasi waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sanaag, maayarka Ceerigaaboo, masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi, haween, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale.


Wasiirka wasaaradda hawlaha guud C/rashiid Ducaale Qambi, oo hadal ka jeediyay shaacinta mashruuca naqshadaynta Ceerigaabo ayaa ugu baaqay ganacsatadda magaaladda in ay ka qayb qaataan hirgelinta mashruucani.

Waxaanu yidhi, “Ganacsatadda magaaladda Ceerigaabo, oo maayarku koow ka yahay, waan la kulmaynaa. Dadweynaha Ceerigaabo, waddo aanay iyagu u dhigin, anagu u dhisi mayno.
Dariiq aanay nala banayna, banayn mayno. Waxaan aanay lacagtoodda ku bixina, bixin mayno”.


“Waxaa loo baahan yahay in aad ka qayb qaadataan. Maamulka gobolkuna, wixii aad ku biirisaan mashruucan, waa in aad goob joog ka ahaataan, badhasaabku u horeeyo iyo maayarku”ayuu yidhi wasior Qambi.


Maayarka degmadda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, oo daah-furka mashruucaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay arrinta naqshadaynta magaaladda.
“Hawshan culus in badana waan sugaynay, waanan ki faracsan nahay” ayuu yidhi maayarka Ceerigaabo.


Geesta kale waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay xubno ka tirsan Injiineeradda iyo khabiiradda wadaaradda hawlaha guud ee dhinaca hirgelinta mashruuca naqshadaynta magaaladda.

Dhinaca kale munaasibadaasi waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka mida cuqaasha, odayasha, waxgaradka iyo ganacsatadda magaaladda Ceerigaabo.


Kuwaasoo dhamaantoodba soo dhaweeyay mashruucaasi, isla markaana balan qaaday in ay xukuumadda gacan ka siinayaan sidii loo hirgelin lahaa.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY