Wasiir Maxamed Xaaji oo Dhalinyaradda Ugu Baaqay In Ay Dalkooda Jeclaadaan

0
655

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa hal arrin ugu baaqay dhalinyaradda dalka Somaliland.

Wasiirka oo xafladaasi ka hadlay ayaa dhalinyaradda ugu baaqay inay wadankooda jeclaadaan isla markaana qof kasta Dhalinyaro ahi uu doorkiisa ka qaato dhismaha Qaranka iyo Horumarkiisa.

Wasiirka, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad uu magaalada Hargeysa kaga qayb galay oo ay sanad-guuradii koowaad ugu Dabaal dagayeen Ururka Horumarinta Waddaniyada oo ah Urur ay ku midoobeen Dhalinyaradda Somaliland

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sidoo kale dhalinyaradda Somaliland ugu bushaareyay in dhawaan la furi doono bar kulanka dhalinyarada ee barashada Waddaniyadda oo furitaankeedi mudo kooban inaga xigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here