Wasiir Mareexaan oo boggaadiyay warbixintii Baanka Adduunka ku qiimeeyay dekedda Berbera

0
1135

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa soo dhaweeyay warbixintii dhawaan Baanka Adduunku soo saaray ee uu ku sheegay in marsada Berbera tahay ta ugu sareysa dekedaha dalalka Saxaraha ka hooseeya.

Wasiir Cali Xasan oo farriin uu ku baahiyay barta X ee hore loo odhan jiray Twitter-ka, ayaa xusay inay muwaadiinta reer Somaliland sharaf weyn u tahay in dekedda Berbera ay noqotay ta ugu sareysa dekedaha wadammada saxaraha ka hooseeya ee Afrika, siday shaacisay warbixintii baanka adduunku.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in arrinta dekeddu aanay ahayn oo qudha inay kor u qaadayso dhaqaalaha Somaliland, hase ahaatee ay kor u qaadayso sumcada dalka, isla markaana dhiirigelinayso maalgashiga caalamiga ah.

Waxa kaloo Wasiirku sheegay inuu arintaasi ku boggaadinayo dalka iyo muwaadiniinta Somalilandba.

Dhinaca kale, baanka adduunka, ayaa waxaa uu sheegay in ay dowladda Jabuuti ka raali gelinayaan warbixintii dambe ee uu baanku soo saaray ee lagu qiimaynayay dekedaha caalamka.

Baanka Adduunka, ayaa dowladda Jabuuti u sheegay in bedeli doonaan warbixintii ay ka sameeyeen dekedaha caalamka ee ay Jabuti geliyeen booska 379-aad, taasi oo ay warbixinta Jabuuti si weyn uga cadhootay.

Dowlada Jabuuti, ayaa sheegtay ina Baanka Adduunku raalli gelin ka bixiyey, warbixintii sanadkii hore ee 2023 uu ka sameeyay dakadaha caalamka.

Warbixintaasi, ayaa kaalinta ay Jabuuti ka gashay aad uga hooseysa tii sannadkii 2022-kii.

Dakadaha Jabuuti, ayaa sannadkii 2022-kii liiska dakadaha ugu horumarka wanaagsan caalamka ka galay kaalinta 26-aad, halka warbixinta sannadkan ay muujisay in Jabuuti ay ka gashay booska 379-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here