Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Oo Geeriyootay

0
609

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray Alle ha u naxariistee marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil, oo maanta magaaladda Hargaysa ku geeriyooday.
Madaxweynuhu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu wuxuu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.


Waxaanu madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here