Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland oo soo kormeeray waddada Tabca ee gobolka Sanaag

0
848

Hargeysa (HargeisaPress)—Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Sahal Maxamed Jaamac, oo uu weheliyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ee Somaliland Axmex Yuusuf Maxamed ayaa soo kormeeray waddada Tabco ee gobolka Sanaag.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag kormeer ku soo mareen waddada Tabco oo isku xidha magaalada Ceerigaabo iyo magaalo xaabeedyada gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanadaasi ka wadaan hawlo lagu dhisaayo wadadaas, gaar ahaan deegaanka Karin ee wadadaas laga galo iyo deegaanka Rugay oo ah halka laga soo baxo waxayna masuuliyiintaasi warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta gacanta ku haysa hawsha wadadaas.

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo sheegay in ay doorkooda ka qaadanayaan ka gobol ahaan hawlaha wadaas lagu dhisayo, isaga oo intaas ku daray in waddadaasi halbawle u tahay isu socodka gobolkaas.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Sahal Maxamed Jaamac iyo  maareeyaha hay’adda wadooyinka ee Somaliland Axmex Yuusuf Maxamed, oo halkaas ka hadlay ayaa ballanqaaday 75 foost oo shiidaal, hal iska rogo iyo agabka laga shaqaynao, iyagoo dadka deegaankuna uga mahad celiyey masuuliyiinta kormeerka ay ugu tageen.

Wasiir ku xigeenka waxa uu ka xogwaramay waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, oo uu xusay in ay meel wanaagsan marayso, wuxuuna intaas ku daray in wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa waddooyinka dalka guud ahaan.

HargeisaPress News Desk – Sanaag

LEAVE A REPLY