Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo Ka Qayb Galay Daah-furka Buugga Halleelo

0
479

Hargeisa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane, ayaa ka qayb galay xaflqd lagu soo bandhigayay buug laga qoray suugaanta abwaan Ismaaciil Aw Aadan.

Munaasibadda daah-furka buugaasi oo magaciisu yahay Halleelo, ayaa lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Siciid Xasan Habane, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan u taagan yihiin dhiiri gelinta suugaanta, iyo dhaqanka.

Waxaanu wasiir ku-xigeenku tilmaamay in ay iibsadeen nuqulo badan oo ka mida buuga Halleelo.

DAAWO: Hadalkii Wasiir Ku-Xigeenka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY