Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Horumarinta oo Degaannada Badhan iyo Dhahar Gaadhsiiyey Raashin +SAWIRRO

0
741

Badhan, (HargeisaPress)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Sahal Maxamed Jaamac, ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey dadweynaha dan-yarta ah ee ku nool degaano ku yaal bariga Gobolka Sanaag.

Wasiir Sahal Maxamed Jaamac oo toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa Bariga Sanaag, waxa deeqdan raashinka ah oo ay u soo wakiillatay Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka uu gaadhsiiyey qoysas tiradoodu ka badan tahay shan boqol oo qoys, iyadoo raashinkaasna laga qaybiyey degaanno hoos yimaada degmada Dhahar.

Dadka degaannada raashinka loo qaybiyey oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa u mahadceliyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, dowladda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, waxayna dowladda ka codsadeen in la sii kordhiyo horumarka iyo waxqadka laga fuliyo Gobolka Sanaag iyo degaannada Bariga Sanaag.

Waxa kaloo ay dadku sheegeen in raashinka loo qaybiyey uu ku soo beegmay xiligii loo baahnaa, balse waxay codsadeen in raashinka iyo taakulaynta kale ee bulshada loo fidiyo loo soo kordhiyo, maadaama oo aannu raashinka la qaybiyey ahayn mid ku wada filan dhammaanba bulshada baahan ee ku dhaqan degaannada Bariga Sanaag.

Masuuliyiinta kala duwan ee Degmada Dhahar iyo Taliyaha Booliska ee Degamdaas oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna sheegay inay Wasiir-ku-xigeenka kala wareegeen raashinka ay ka socday Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee Nadfor (National Disaster Preparedness and Food Reserve Authority), waxayna sheegeen in raashinkaasi uu wax badan ka beddeli doono baahida dadka dan-yarta ah, taasoo ay xuseen inay weliba ku soo beegan tahay xili lagu jiro bil ramadaan oo baahidu sii badan tahay.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Sahal Maxamed Jaamac oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay wax badan ka qabatay degaannada Bariga Sanaag, wixii baahiyo kale ah ee jirana diyaar loo yahay in mar walba loo qabto dadka degaanka.

“Anigu waxa aannu joognaa Dhahar, wax siyaasad ahna uma socono ee marka aannu nimaadnana waxtar ayaannu keenaa ee ma keeno borobogaandho, been, qoryo lala boodbodayo iyo waxaas oo kale, laakiin haddii laga fursan waayo qorigu (dagaalku) wuu iska imanayaa oo haddii balaayada la doon-doono way iska timaadaa, laakiin anagu hadda taas umaba jeedno ee waxa aannu u jeednaa sidii aannu maanta ula qaybsan lahayn dadkayagu wacyiga ay ku jiraan, wixii tamar ahna mar walba waa la keenayaa oo Hay’adda NADFOR maanta waxay keentay raashin loogu talogalay shan boqol oo qoys oo ku nool degaannada Badhan iyo Dhahar, waxaanan dadka ugu qaybinay si caddaalad ah oo degaan qudha looma badin, dadka raashinka loo qaybiyeyna waxba kama aha ama waa 2% dadka baahan ee degaannadaas ku nool, waana wixii tamar ah ee kolba la helayo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here