Wasiir Koore Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmadda Taleex

0
1018

Taleex (HP): Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyada Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo socdaal shaqo ku tegay Gobollada Sool iyo Xaysimo ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Taleex ee xarunta Gobolka Xaysimo.

Halkaas oo ay boqolaal qof oo kamida bulshada ku dhaqan magaaladaasi isugu soo baxeen soo dhaweyntiisa.

Wasiir Saleeban Yuusuf Cali oo isla maalintii shalay oo madaxweynuhu u magacaabay xilka cusub ee Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta, ayaa soo dhaweynta loogu sameeyey magaalada Taleex oo ay hogaaminayeen Maamulka heer Gobol iyo heer degmo.

Waxaa ku lamaanayd xamaasad iyo dareen muujinaya isbedel weyn oo ku yimi taageerada bulshada Gobolkaas u hayaan Jamhuuriyada Somaliland, taasoo si togan u saameysay quluubta Weftiga Wasiirka.

Wasiir Koore oo goob fagaare ah hadal uga jeediyey dadkii soo dhaweeyey oo ay ku jireen madaxda dhaqanka iyo hormuudka bulshadu, ayaa kelmedo taariikh gal ah ku kediyey quluubta shacbiga gobolkaas, taasoo uu ku ibo-furay khudbad ku taxaluqda qorshaha xukuumadda ee horumarinta deegaamadaasi.

Waxaanu yidhi, “Reer Taleexoow maanta howl-gab baan ahay, lixdankii wax yarbaa iiga dhiman, intaan Ordi karayey, ee seeftaydu wax jaraysay waad i hortaagnaydeen, maanta waxa isku soo dhacay aniga oo da’ ah iyo idinkoo Somaliland ah.

Gobolka Sool iyo gobolada kale ee ku xeerranba nin aan hadal ka odhan oo baqayaa in uu ka soo baxo ma rabo, waxaynu rabnaa nin Somaliland wax-tara meesha uu ka yimina wax tara”.

“Sidaas darteed, caqligiina in la idinka caayo oo laydunku yidhaado waxbaynu wadaagnaa maaha, annagu waxaanu idin leenahay idinkoo na diidan ayaanu idinku dul dhisaynaa.

Idinkoo na hiiraabaya ayaanu lacagta idin siinaynay, idinkoo na diidan ayaanu mashaariicda idinku dul samaynay,” ayuu yidhi isagoo dareensiinaya bulshada sida uu isugu ciil-kaambiyayo wakhti uu isla waayey rabitaanka Dadweynaha reer Taleex iyo hamigii uu lahaa.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu yahay hoggaamiyaha keliya ee ay ka go’antahay dib-u-dhiska Taariikhda soo jireenka ah ee Gobolada Sool iyo Xaysimo, gaar ahaan Magaalada Taleex, taasoo ah miisaanka ay leedahay ilaalinta iyo dib-u-habaynta raadadka ka taagan Taariikhdii Daraawiishta.

Waxaanu yidhi, “27-kii sannadood ee aan Somaliland ka shaqaynayey Ninka ugu jecel Taariikhda Daraawiishta ee aan xusuusto ee jiraa ee jecel in gurigaas dib loo dhiso ee 24-ka saacadood gaalada kala hadlaa waa Madaxweynaha hadda joogga Mudane Muuse Biixi Cabdi.”

Geesta  kale Wasiirku, waxa uu is-dul taagay tirada iyo baaxda mashaariicda ay Xukuumaddu ka fulisay Gobolka iyo kuwa qorshaha ku jira ee halkaasi laga fulinayo.

“Reer Taleex inta mashruuc ee dhisme ah ee Somaliland ka dhistay waa og tihiin, inta mashruuc ee biyo ah oo ilaa shan gaadhaya waa og tihiin.

Kuwo waxbarasho waa la soo wadaa, kuwo nabad-gelyo waa la soo wadaa, kuwii Booliska waa la soo wadaa, gaadiid badan waa la soo wadaa”ayuu yidhi wasiir Koore.

Wasiirku waxa uu shacbiga Gobolka Xaysimo kula dardaarmaay in aanay dheg jalaq u siinin durbaanka qabyaaladdeed ee Garoowe, kana shaqeeyaan horumarka iyo nabad-gelyada deegaankooda, isagoo tilmaamay in inta uu jooggo uu kulamo la yeellan doono waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Dhanka kale, Masuuliyiinta Dawladda ee heer Gobol iyo Degmo iyo xubno kamida waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolkaasi oo halkaa hadallo ka jeediyey ayaa xukuumadda uga mahad-naqay waxqabadka ay halkaasi ka muujisay, waxaanay sidoo kale soo dhaweeyeen balanqaadyada cusub ee Wasiirku ka dhawaajiyey.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY