Wasiir Gaafaadhi Oo U Jawaabay Maxamuud Xaashi

0
703

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa ka jawaabay eedo uu shalay madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa u jeediyay siyaasi Maxamuud Xaashi.
Waxaanu sheegay wasiir Gaafaadhi, in aanay jirin balan qaad uu hore madaxweyne Biixi ugu sameeyay in xilka guddoomiyenimo ee xisbiga Kulmiye la siinayo Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiir Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay mqgaalada Hargaysa, ayaa ka hadlay dhaliilo badan iyo tanaasulaad hore loogu sameeyay Maxamuud Xaashi.
Waxa kaloo uu sheegay in aanu xeerka xisbiga Kulmiye dhigaynin in marka qofku kursiga madaxweynenimo ku guulaysto uu ka tanaasulayo guddoomiyenimadda xisbiga.

Daawo: Wasiir Gaafaadhi Oo Arrimhaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here