Wasaradda Waxbarashada Somaliland oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland

0
1598

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeedhay Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Hadalkaasi ka soo yeedhay Maamulka Puntland, ayaa ahaa in Imtixaanka shaahadiga ee Somaliland aan laga qaadi karin gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxaanay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay hadalkaasi ku tilmaantay riyo maalimeed iyo mid xag jir ah oo sharciga baal marsan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.”

LEAVE A REPLY