Wasiirka Gaadiidka Somaliland Oo Furay Dugsi Loogu Tallogalay Derawaliinta Dawladda

0
662

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay dugsi waxbarasho oo loogu talogalay inay aqoon iyo xirfad dirawalnimo oo casri ah ka helaan dirawaaliinta ka shaqeeya gaadiidka kala duwan ee dowladda.

Halka sidoo kale halkaas lagaga dhawaaqay in la beddelay liisankii hore ee waraaqda ahaa ee ay isticmaali jireen dirawaaliinta gaadiidka dawladdu.

Xafladda lagu daah-furay Dugsigan casriga ah oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Ganacsiga,

Warshadaha iyo Dalxiiska, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha, saraakiil ka socda Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka iyo masuuliyiin kale oo dowladeed.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo madashaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedada dugsigan casriga ah loo furay ay tahay sidii wax looga qaban lahaa shilalka gaadiidka oo uu xusay inay dhibaato weyn ku ahaan dalka Somaliland.

Waxaanu yidhi “Maanta ma jirto dhibaato ka badan dhibaatada shilalka gaadiidka, sannad kastana dad ayaa ku dhinta, markaa anagu iyadoo aannu isticmaalayno ujeedooyin badan waxa aannu jecelnahay in aannu dhinno (hoos u dhigno) shilalka gaadiidka.

Laakiin, bartilmaameedkayagu waxa weeyeen in shilalka gaadiidka hoos loo dhigo ilaa 50%, markaa Insha Allaah dhawaan waxaynu daah-furi doonaa qalabkii lagu xaddidayey xawaaraha gaadiidka (Speed governor).

Sidoo kale-na MOT (qalabka lagula socdo xaaladaha iyo heerka tayada gaadiidka) ayaa isaguna inoo iman doona. Waxa aynu mamnuuci doonaa qaar ka mid ah gaadiidku ay dalka yimaadaan oo waxa aynu samayn doonaa in gaadiidkeennu uu yeesho da’ (age) uu dalka ku soo galo”.

Waxaanu intaas ku daray; “Waxa aannu jecelnahay in Wasaaradda Waxbarashadu ay naga saaciddo oo aanu is leenahay fure ayey u tahay waa basaska albaabka ku leh dhinaca khaladka ah ama dhanka waddada xigta oo laga mamnuuco inay carruurteena (ardayda) ay qaadaan basaska noocaas ah.

Iyadoo ay jirto wareegto hore loo soo saaray oo ahayd in la mamnuucayo gaadiidka dhinaca gurracan albaabka ku leh ama basaska dadka ku roga dhinaca waddada xigta.

Anagu waxa aannu ballanqaadaynaa xuquuqda dirawaliinta gaadiidka dowladda, haddii ay noqoto dhinaca mushaharka iyo haddii ay noqoto waqtiga ama saacadaha uu qofku shaqaynayo”ayuu yidhi wasiir C/laahi Abokor.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo sheegay in dugsiga wax lagu barayo dirawaaliinta gaadiidka dowladda iyo liisanka cusub ee gaadiidka dowladda lagu kaxaynayo.

Kuwaasoo uu tilmaamay in ay yihiin mid loogu talogalay in wax lagaga qabto shilalka gaadiidka, isla markaana sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha dirawaliinta.

Isagoo arrimahaas faafhaafinayayna waxa uu yidhi “Ujeedada laga leeyahay waxa weeyaan in la yareeyo shilalka gaadiidka ee ka dhacaya waddanka.

Sida aannu Wasaarad ahaan ognahay in shilalka ka dhaca waddanka Somaliland in ka badan 70% waxa ay u dhacaan masuuliyad-darada dirawalka, balse maaha waxa ay dadku yidhaahdaan oo ah waddooyinka ayaa xun.

Laakiin, waxa sababa masuuliyad-darada dirawalka, waxaanna taas caddayn u ah hay’adaha ajaanibka ah ee dalka jooga ama dalka ka hawlgala waxa ay soo dejiyaan xeer ah in aannu dirawalkoodu ku socon wax ka badan 80% (80kmph), gaadhi walbana intaas ayey ku wadaan.

Waanay yartahay hay’ad (Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah) uu gaadhigeedu shil galay, waddooyinka aynu isticmaalnaana waa waddooyinka ay inala isticmaalaan uun”.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland.

Kuwaasoo sheegay inay aad ugu faraxsan yahay daah-furka dugsiyada barashada dirawalnimada ee dowladda.

Iyagoo xusay in shilalka gaadiidku ay sababaan khasaare xooggan oo dhinacyo kala duwan leh, waxayna xuseen inay ku ammaanayaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka dedaalada la doonayo in wax lagaga qabto shilalka gaadiidka.

Waxaanay masuuliyiintaasi sheegay in barashada dirawalnimadu ay door weyn ka qaadan doonto sidii loo heli lahaa dirawaaliin aqoon u leh xirfaddaha dirawalnimada.

Waxa kaloo ay soo dhaweeyeen in la beddelay liisankii hore ee dirawaliinta gaadiidka dowladda, loona sameeyey liisan cusub.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY