“Wasaaradu waa wasaarad wada dareen miidhan ah”…

0
398

Hargaysa (HP): Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in wasaaradiisu ay tahay mid aad u xasaasi ah oo mar kastaba uu dareen ka taagan yahay.

Taasoo uu ku tilmaamay in ay ugu wacan tahay hawsha ugu badan ee shaqaalaha wasaaradu ku shaqeeyaan oo mid farsamo ah darteed.

Saleebaan Cali Koore, waxa  uu sheegay in wasaaradda warfaafintu aanay u hawl yarayn sida ay dadku u maleeyaan.

Balse uu hadda muddo sanado ah oo uu wasiir ka ahaa aanu wax dhibaato ah kala kulmin.

Waxaanu tilmaamay in wasaaradda warfaafinta marka dibadda laga joogana aanay hawl yarayn, sidoo kalena marka gudaheedda la joogana aanay hawl yarayn.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka cusub.

Geesta kale wasiir Koore, waxa uu xusay in wasaaradda warfaafintu ay culays siyaasadeed oo aad u weyn leedahay, isla markaana ay arrintaasi kaga duwan tahay wasaarradaha kale ee dawladda.

DAAWO: Wasiir Koore Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here