Wasaaradda Waxbarashada oo War Ka Soo Saartay Buug Ku Xanibnaa Madaarka Hargeysa oo Ay Lahayd Shirkada Hema Books

0
1487

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa waxaa ay war ka soo saartay Buugaag ay lahayd shirkada Hema Books oo muddo dhowr maalmood ah ku xanibnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasaaradda Waxbaarashada, ayaana waxa ay sheegtay in aanay buugaagtani ahayn Manhajkii waxbarashada Somaliland.

Waxaana sidan u sheegay warbaahinta Agaasimaha Waaxda Waxbarashada tooska ah ee wasaaradda waxbarashada, Xuseen Food Cade iyo agaasimaha Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada Cawil Xuseen Geedi.

Agaasimaha Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada Cawil Xuseen Geedi, ayaa caddeeyay  in aanay buugagtaasi ahayn buugagtii loogu talo galay Manhajka waxbarashada Somaliland ee loogu talo galay in ay Madbacada Qaranku daabacdo, basle ay yihiin kuwa kabis ah.

Dhanka kale, waxa ay masuuliyiintani sheegeen in si nabadgelyo ah ay ugu soo dhammaatay arrinta buugaagta ay lahayd shirkada daabacada ee Hemo Books.

Agaasimaha waaxda waxbarashada tooska ah ee wasaaradda waxbarashada Xuseen Food Cade isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.  “Waxa aanu jooga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa halkaasi oo sababta aanu u joogna ay tahay buugaag ay la soo degeen shirkada Hema Books oo wasaaradda waxbarashada heshiis kula jira, iyada oo lagu heshiiyay in buugagta lagu daabaco madbacada Qaranka, inkasta oo codsigoodu ka horeeyay intii heshiiskaasi uu dhacay.

Haddaba masuuliyiinta garoonka ayaa waxa ay nagu soo wargeliyeen in bugagtaasi xogtooda si tifaftiran aanu u helo, marka waxa aanu ka koobanahay agaasimaha waaxda manaahijta ahna hormoodka guddidan manaahijta”

Geesta kale, Agaasimaha Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada Cawil Xuseen Geedi ayaa sheegay in si guul ah ay ku soo dhammaatay buugagaasi mudada labada cisho ah ku xanibna garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.“Waxa aanu halkan ku joogna shan agaasime waaxeed, ujeedada aanu u nimidna waxa ay tahay in aanu hubino buugagtaasi ay keentay shirkada Hemo Books, boqol iyo koob iyo sodon kartoon ayaanu ugu tagnay  buugtaasi gudahooda ayaanu eegnay waana buug Kabid ah, marka waxa ay ka koobnaayeen buugag kabis ah oo Manhajka Somaliland kabeysa, waxa ku jiray iyaguna buugag Ingiriisi ah.

Marka buugagtaasi dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwa Kabid ah ee may ahayn buugagtii loogu talo galay in Madbacada Qaranku daabacdo, waa buug dheerada, 131 kartoon ayay ahaayeen kartoonkastana waxaa ku jira 47 buug, arrintaasina si guule ayay noogu soo dhammaatay waxaananu xaqiijinay in aanay buugagtaasi ahayn buugagtii loogu talo galay Manhajka waxbarashada Somaliland ee loogu talo galay in ay Madbacada Qaranku daabacdo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here