Wasaaradda Waxbarashada oo Soo Saartay Go’aamo Khuseeya Dugsiyada Dalka

0
1461

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa soo saartay go’aamo khuseeya nidaamka waxbarashada dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka xilligan lagu gudo-jiro xaaladda xannuunka Covid-19 oo goobaha waxbarashada la fasaxay.

War ka soo baxay maanta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxa ammaan loogu jeediyey Dugsiyada Waxbarashada ee dalka sida ay u fuliyeen ama ugu hoggaansameen go’aammo ay soo saareen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19 iyo wareegto ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada oo lagu amray in hore loo soo dhigo Imtixaanka naqliga ah ee kalka 2aad ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021 oo uu qabsoomo 3-da April ilaa 12-ka April si fasax-sannadeedka loo galo 14-ka April 2021-ka.

Warkan ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada oo xambaarsan go’aamo Lix Qodob ka kooban, ayaa u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA (Covid-19) iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada.

Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan:

Way reebban tahay in dugsiyada dalku ay ardayda shuruud kaga dhigaan bixinta lacagta dugsiga (Fiiga) oo lagu waajibiyo inay waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo ka badan; haddii aanu waalidku sidaas doorannin.

Dugsiyada waxa la farayaa inay mushahar siiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadooda ka hawlgala dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, maadaama ay ardaydu lacag (School Fee) bixinayaan 12-ka bilood ee sannadka.

Waa waajib in ay waalidiintu bixiyaan lacagta Fiiga waxbarashada dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, iyadoo loo bixin karo bil, kal (Semester) ama sannad; hadba kii waalidku doorbido.

Dugsiyada waxa la farayaa in aanay ardayda lacag kaga qaadin imtixaan, buugaag, waraaqo, qalimaan, tabaashiir, beddel, diiwaan galin, safar, iwm. Isla markaana inaan ardayda lagu amrin inay soo iibiyaan agab dugsiga looga baahan yahay; marka laga reebo agab arday waxyeello u geystay oo laga magdhebayo.

Maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda waxa ka dhexeeya ixtiraam in uu kordho mooyaane ay tahay in aanu marnaba hoos u dhicin.

Waa in Waalidka iyo Maamulka Dugsiyadu yeeshaan wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha Waxbarashada dugsiga iyo xoojinta xidhiidhkooda, isla markaasna sannadkiiba hal mar la qabto kulanka horumarinta dugsiga oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsigu.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY