Wasaaradda Shaqo gelinta oo soo qaban-qaabisay kulan Lagu Gorfaynnaayo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

0
1008

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan laba Cisho Socon doona oo ay Ka Soo Qayb galeen Wasaaradaha Shaqo gelinta,Gaashaandhiga iyo Hay’ada Shaqaalaha dawlada oo lagu gorfaynayo Dhamaystirka Siyaasada Iyo Xeerka Hawl-gabka Qaranka ayaa Maanta lagu qabtay Huteelka Damal ee Caasimadda hargaysa.

Shirkan Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqo gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa waxaa ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Iyo Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha dawlada.

Ujeedada Kulankan laba maalmoodka ah ayaa salka ku haya sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaystirka siyaasada iyo xeerka hawlgabka qaranka oo faa’iido weyn u leh dalka

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY