Wasaaradda Shaqadda Oo Caawisay Qoysas Dhibaato Ka Soo Gaadhay Roobka

0
571

Hargaysa (HP): Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa caawimo gaadhsiisay qoysas ay waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii oo degan magaaladda Hargaysa.


Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland oo ay wehelinayeen agaasime waaxeedyo wasaaradaasi ka tirsan ayaa soo kormeeray xaafadda Sheekh Cumar ee galbeedka Hargaysa oo ay khasaare u gaysteen Daadad xoog leh oo ka dhashay roobabka.


Wasiirka iyo masuuliyiinta la socday ayaa qoysaskaasi gaadhsiiyay Raashin kala duwan, maacuun ama Weel, Dhar, Kabbo, Bacaha guryaha lagu dhisto.
Sidoo kale waxay wasaaradu qoysaskaasi gaadhsiisay Shamaca guriga lagu Gog-lado, Busteyaal, Go’yaal iyo waxyaabo kale, maadaama ay Daadadku ka qaadeen wixii ay cunayeen iyo alaabtiiba.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY