Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Cashuur Dhaaf U Samaysay Gawaadhiga Buuhoodle

0
490

Buuhoodle (Hargeisa Press): Wasaaradda Gaadiidka iyo jidadka Somaliland ayaa cashuur dhaaf u samaysay cashuurta gaadiidka ee gobolka Buuhoodle.
Cashuur dhaafkaasi oo ah mid ku kooban gobolka Buuhoodle oo keliya.

Ma jiro war rasmi ah oo ay wasaaradda gaadiidka Somaliland ka soo saartay arrintaasi oo ay ku shaacisay xaqiijintiisa.


Hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Mustafe Cabdi Muuse, oo maanta arrintaasi shaaciyay ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi.
Waxaanu u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu amray qorshahaasi, iyo wasiirka gaadiidka iyo jidadka.
Waxa kaloo uu ku wargeliyay dadka gaadiidleyda ah in xafiiska bixinta Liisamadda gaadiidka laga furay magaaladda Buuhoodle.
Geeata kale guddoomiyaha Buuhoodle oo uu shirka jaraa’id ee maanta ku wehelinayay isuduwaha wasaaradda gaadiidka ee gobolkaasi ayaa uga digay in dad aan deganayn gobolka Buuhoodle ay isku dayaan in ay ka faa’iidaystaan cashuur dhaafka.
Waxaanu sheegay in cashuur dhaafkaasi uu yahay mid ku kooban gobolka Buuhoodle iyo deegaamadda hoos yimaadda.
Dhibaca kale Mustafe Cabdi Muuse, ayaa ugu baaqay dadka gaadiidlayda ah inn ay ka faa’iidaystaan wakhtiga loo qabtay cashuur dhaafka oo aad u kooban.
Halkan Ka Daawo Shirka jaraa’id Ee Guddoomiyaha Buuhoodle:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY