Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Ka Hadlay Curashada Bisha Ramadan

0
941

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay inay  isha ku hayaan curashadda bisha Ramadaan.

Iyadoo ay jiraan masuuliyiin ay wasaaradu u xil saartay in ay si gaara ula socdaan, isla markaana ay isha ku hayaan sida dalalka islaamku ula socdaan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiir Khaliil  iyo xubno ka mid ah culimada wasaaraadda diinta iyo awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa  waxay tilmaameen in bisha Shacbaan ay berri noqonayso 29.

Sidaas darteedna in la filayo in ay Salaasadda soo socota ay curato bisha barakaysan ee Ramadaan.

Geesta kale, wasiir Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin u diray cidkasta oo aragta bisha barakaysan ee Ramadaan inay la soo xidhiidhaan guddida dhawaan wasaaraddaasi u saartay xaqiijinta dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here