Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Lagu Wareejiyey Gaadiid Iyo Qalab Kale

0
618

Hargeysa,(HargeisaPress)- Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland ayaa hay’adda GIZ kala wareegtay gaadiid iyo qalab kale oo hay’adaasi ugu talo gashay inay ku shaqeeyaan Xafiisyada Goboladda ee Wasaaradda Deegaanka.

Munaasibad Kooban oo lagu wareejinayay Gaadiidkaas iyo agabkaas kale oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Deegaanka waxaa wareejinteedii goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Deegaanka.

Huda Cali Banfas oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda GIZ oo halkaas ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay deeqdan iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay waxayna sheegtay in deeqdani isugu Jirto Kombiyuutaro loogu talo galay xafiisyada wasaaradda deegaanka iyo afar gaadhi waxayna intaas ku dartay inay Lix baabuur kale u keeni doonaan Wasaaradda Horumarinta miyiga iyo deegaanka si loo gaadhsiiyo Xafiisyada Gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil baandare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka C.risaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo Gabo gabadii halkaasi ka hadlay ayaa uga Mahadceliyey Hay’adda GIZ oo wada shaqayn la leh deeqdan Wax ku oolka ah ee Wasaaradda Deegaanka Soo gaadhsiisay iyagoo sheegay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto dadaalada loogu jiro samato bixinta deegaanka.

Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka C.risaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka Jawaabay eedaymo uga yimid Shirkada Asli Maydi oo ka shaqaysa Xabkaha iyo Faleemka oo ku eedaysay wasaaradda deegaanku inay Magaaladda Burco ku xanibtay mid ka mid ah Gaadiid ay shirkadaasi leedahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa eeda shirkadaasi waxa uu ku tilmaamay mid been abuur ah waxaanu sheegay in Shirkadaasi ay diidan tahay bixinta cashuuraha ku waajibay.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here