Wasaaradda Deegaanka Oo Xoolaha Dib Ugu furtay Seeraha Ban-cawl

0
724

Burco (Hargeisa Press): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa dib u furtay seeraha deegaanka Ban-cawl ee gobolka Togdheer oo muddo saddex bilood ah xoolaha ka xidhnaa.

Waxaana seeraha Ban-cawl si rasmiya u furay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somliland C/naasir Axmd Xirsi, iyo masuuliyiin kaloo xukuumadda ka tirsan.

Seeraha Ban-cawl ee gobolka Togdheer oo ah seere xiliyeed ayaa xidhnaa muddo saddex bilood ah ee maanta dib loo furmay ayaa loo ogolaaday in ay xooluhu daaqi karaan. Kadib markii uu muddo saddex bilood ah xidhnaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi, oo ka hadlayay dib u furista seeraha Ban-cawl ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda talladda haysa ee ku aadan xidhitaanka seereyaashu.

Waxaanu yidhi, “Qorshaha wasaaradda deegaanku waa in la soo celiyo seereyaashii iyo dhul-daaqsimeedkii ay xooluhu ku baxsan jireen. Qorshahaa iyo siyaasadda uu madaxweynuhu ku hagayo qaranka, ee uu u igmaday wasaaradda deegaanka, waa kaas.Kaasi ayaanan seerahan Ban-cawl ku xidhnay”.

C/naasir Axmed Xirsi, waxa uu sheegay in bulshadda deegaankaasi ay faa’iidooyin kala duwan ka heleen xidhista seerahaasi.

“Waxaanad nasiib u yeelateen, haddii aad tihiin reer Ban-cawl, in aad noqotaan deegaankii u horeeyay, ee miisaaniyadda dawladda, iyo cashuurta shacabka laga qaado, laga maalgeliyo.

Shaqo abuur ayaad ka hesheen, dhawr iyo sodon qof oo deegaanka ah ayaa shaqo abuur ka helay, oo mudadii saddexda bilood ahayd ee uu xidhnaa seerahani ka shaqaynayay. Waad aragtaan dhulkii sida uu u nastay, dhibicdii roobku markii ay dhulka ku dhacday, nabaadkii iyo dhirtii, beri-samaadkii lagu yaqaanay ayaa soo noqotay”ayuu yidhi C/naasir Xirsi.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka waxaa ku wehelinayay furitaanka seeraha Ban-cawl badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Nafaqo, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Muuse Ibraahim Yuusuf.

Isu-duwaha wasaaradda deegaan  Yuusuf Warsame, agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Mubaarik iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshadda C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY