Wasaaradda Deegaanka Oo Xidhay Seeraha Ban-cawl Ee Togdheer

0
512

Burco (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta shaacisay in ay dib u xidhay seeraha Ban-cawl ee gobolka Togdheer.
Xidhitaanka seeraha Ban-cawl ayaa looga dan leeyahay maadaama uu curtay roobka gu’ga in xoolaha laga xidho.
Si marka la gaadho xiliga Jiilaalka ah ama abaaruhu ay dhacaan in xoolaha loogu furro oo ay Jiilaalka kaga baxo.
Waana markii saddexaad oo ay wasaaradda deegaanku xidho seeraha Ban-cawl, sida uu sheegay isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Togdheer, Yuusuf Warsame Mirre.
Seerahan Ban-cawl waxa aka hawl gelaya 30 dhaqaale ah oo ay weheliyaan madax dhaqameedka deegaankaasi.
Sida uu sheegay iskuduwaha waaxda dhiraynta iyo daaqa ee wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here