Wasaaradda Deegaanka Oo Ugaadh Kala Wareegtay Ciidanka Qaranka

0
823

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta ciidamadda qaranka kala wareegtay Ugaadh ay muddo hayeen.


Duur joogtaasi oo tiradoodu dhamayd 26 ayaa isugu jira Deerro iyo Cawl, kuwaasoo ay in muddo ah hayeen ciidamadda qaranku.
Ugaadhaasi ayaa loo diyaariyay goobtii lagu xanaanayn lahaa oo ku taalla deegaanka loo yawaano Dibis.


Waxaana ugaadhaasi ciidanka qaranka kala wareegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland Cabdi-naasir Axmed Xirsi, iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi.
Ugaadhan oo lagula kala wareegayay Miiska Saraakiisha milateeiga ee magaaladda Hargaysa, waxa kaloo joob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY