Wasaaradda Deegaanka Oo Burco Ku Qabanaysa Shir Wax Lagaga Qabanayo Dhuxulaysiga

0
593

Burco (Hargeisa Press)- Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland ayaa maalinta berri ah magaaladda Burco ku qabanaysa shir lagaga arrinsanayo sidii wax looga qaban lahaa Xaalufka, Dhuxulaysiga, Ceshiimooyinka, Degsiimooyinka iyo Ugaadhsiga sharci darrada ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanku waxaa ka soo qayb geli doonna masuuliyiinta badhasaabyadda goboladda Togdheer, Sanaag, Sool, Sarraar iyo Daad-Madheeb.

Shantaasi gobol oo la aaminsan yahay in ay si weyn u saamaysay dhibaatadda lagu hayo deegaan gaar ahaana dhuxulaysiga iyo xaalufka lagu hayo deegaanka iyo sidoo kale ugaadhsiga sharci darrada ah.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay maanta shirkaasi ka soo saartay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, kaasoo warbaahinta loogu tallo galay.

Waxaana warkaasi lagu yidhi, “Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyaga jamhuuriyadda Somaliland waxay maalinta berri ah ku qabanaysaa magaaladda Burco, shir ballaadhan oo lagaga wada tashanaayo bad-baadinta iyo ilaalinta deegaanaka iyo noolayaasha kala duwan ee ALLE SWT ku dul abuurray.

Shirkaa waxaa xoogga lagu saari doonaa sidii dhamaan daneeyayaashu uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga xaalufka ba’an ee lagu hayo deegaanka sida dhuxulaysiga, Ceshiimooyinka, Degsiimooyinka iyo Ugaadhsiga sharci darrada ah”.

Geesta kale waxaa shirkaasi ka soo qayb geli doona taliyeyaasha ciidamadda booliska iyo Milateriga, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Xeer-ilaalinta iyo wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo haayadaha Caalamiga ah.

“Shirkan waxaa ka soo qayb gelaya masuuliyiin ka kala socda shanta gobol ee Barriga Somaliland oo kala Togdheer, Sanaag, Sool, Sarraar iyo Daad-Madheeb, oo dhibaatadda deegaan ee aan soo sheegnay ay aad u saamaysay.

Masuuliyiinta goboladaasi ka socdaa waxay ka kooban yihiin, Badhasaabadda, Taliyeyaasha booliiska iyo Milateriga, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Xeer-ilaalinta iyo wasaaradda Xanaannada Xoolaha.

Waxaa kaloo ka soo qayb gelaya shirkaasi Urrurada haayadaha Maxaliga ah, haayadaha Caalamiga ah iyo xubno ururadda bulshadda ah iyo culimadda gobolka Togdheer metelaya”.

“Ugu danbayn, masuuliyiin isugu jira wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno dawladda dhexe ka socda ayaa iyaguna shirkaa nagala soo qayb geli doona” ayaa lagu yidhi warkaasi qoraalka ah ee  ka soo baxay wasaaradda deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale shirkan maalinta berri ah lagu qabanayo magaaladda Burco ayay wasiirka deegaanka iyo horumarinta Somaliland shaacisay 11-kii bishan mar ay shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda.

Waxaanay sheegtay in u jeedadda laga leeyahay shirkaasi ay tahay sidii wax looga qaban lahaa Dhuxusha sida sharci darrada ah looga shiddo goboladda Barriga Somaliland, isla markaana laga dhoofiyo dekadda Boosaaso.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysay 11-kii bishan waxay tidhi,  “Dhuxusha dalka ka baxaysa, ee goboladda shanta ah ee Sanaag, Saraar, Sool, Togdheer, iyo Daad-madheedh, laga shido  ee dekadda Boosaaso laga dhoofiyo, iyadana loo dul qaadan mayo.

Shantaa gobol masuuliyiintoodda, bishan aan ku jirno 26-keedda, waxaa la isugu keeni doonaa shir, oo la isugu iman doonaa gobolka Togdheer.

Si aynu wada jir u wada shaqayno, oo wada shaqaynteenu u adkaato.   Dhuxusha shantaasi gobolka laga qaado, ee Boosaaso laga dhoofiyo, taana loo adkaysan mayo, shir ayaana laga yeelanayaa”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here