Wasaaradda Dastuurka oo Qabatay Cawayska Barashadda Wadaniyadda

0
553

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa xalay qabatay Cawayska barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Cawayskaasi oo ka qabsoomay Xarunta Barashada Waddaniyada iyo dastuurka ee magaaladda Hargaysa, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.

Waxaana kulankaasi xalay marti ku ahaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre.

Kulankani waxaa ka soo qayb galay qasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, agaasime waaxeedyadda wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha, ardayda wax ka barta xarunta Barashada Waddaniyada iyo Dastuurka, iyo masuuliyiinta kala duwan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, oo hadal ka jeedisay kulankaasi cawayska Waddaniyada ayaa sheegtay in kulankaasi uu ahmiyad weyn u leeyahay ka soo qayb galeyaasha.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Waxaanu wasiirku ku gubaabiyey dhalinta wax ka barta Xaruntaaai sidii ay uga midho dhalin lahaayeen aqoonta ay Xaruntani ka bartaan.

Kulankaasi oo uu marti ku ahaa wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa geba gebadii cawayskaasi ka jeediyay hadal isugu jira dhiirigelin iyo dar-daaran. Waxaanu wasiirku tilmaamay muhiimadda ayleedahay barashadda dastuurka.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here