Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo U Qori-tuurtay Kooxaha Horyaalada Dalka

0
329

Berbera (HP): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa qabatay munaasibad loogu Qori-Tuurayay kooxaha ka qayb gelaya tartanka Kubadda Cagta ee Horyaalada dalka.
Xafladaasi oo xalay ka dhacday Hotel Berbera Beach ayaa ahayd mid lagu samaynayay isku aadka Horyaalada Kubadda Cagta ee gobolada Somaliland.


Iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta, Gudoomiye Ku-Xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta, Isuduwaha WDH&Ciyaaraha Ee Gobolka Saaxil, Xildhibaano Iyo Marti-Sharaf Kala Duwan oo Madashaasi Joogtay.


Daawo: Hadalkii Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Uu Xafladaasi Ka Jeediyay:


Hargeisa Presss.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here