Wasaaradda Ciyaaraha Oo Shaacisay Tartanka Kooxaha Caasimadda

0
979

Hargaysa (HP): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay in ay dhawaan qabanayaan tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta ee degmooyinka  caasimadda Hargaysa.

Tartan ciyaareedkaasi ayaa dhex mari doona kooxaha heerka koowaad ee Kubbada cagta ee caasimadda Hargaysa.

Waxaanay ka dhici doonaan ciyaarahaasi sideed garroon oo ku yaalla degmooyinka Hargaysa, waxaana ka qayb geli doona ku dhawaad konton kooxood oo ka kala tirsan kooxaha degmooyinka caasimadda Hargaysa.

Sida ay sheegeen wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaarahaBoos Mirre Maxamed iyo agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradaasi C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan xidhiidhka ciyaaraha oo maanta warbaahinta la hadlay.

Daawo: Faahfaahinta Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here