Wasaaradda Caafimadka Oo Hawl Gallo Caafimaad Ka Fulinaya Gobolka Gabiley

0
574

Gabiley (Hargeisa Press): Kooxo isugu jira dhakhaatiir iyo kal-kaliyeyaal caafimaad ayaa maanta hawlo shaqo oo caafimaadka ka bilaabay  deegaamadda Baadiyaha ee gobolka Gabiley.

Kuwaasoo daawaynta Xumadda Kuduudiyaha bulshadda ka daawaynaya. Kadib markii deegaamadda gobolkaasi laga soo sheegay xumadaasi.

Kooxahan hawlaha caafimaad fulinaya waxaa gacan siisay wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo maayarka Gabiley.

Kuwaasoo isugu jira laba kooxood oo ka kala socda dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyal caafimaad ah ka tirsan  ururka dhakhaatiirta Somaliland ee gobolka Gabiley.

Iyadoo ay  wehelinayeen ururka ay ku midaysan tihiin dhakhatiirta gobolka Gabiley (Gabiley health union) oo ah dhalinyarro gacan ka helaya maayarka Gabiley.

Hawl galadaasi caafimaad ee laga fulainayo deegaamdda gobola Gabiley waxaa qayb ka ah in  xanaanooyinka caafimaadka ee magaaladda Gabiley in loo qaybin doono daawooyina oo lagula tacaallo xaaladaha caafimaadka bulshadda.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here