Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo shaacisay 29 kiis oo cusub oo laga helay xannuunka Coronavirus 48 saacadood ee u dambeeyey.

0
731

Hargeysa (HargeisaPress)-Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay hal qof oo u geeriyooday, halka 29 qof oo cusub laga helay xannuunka Cornavirus 48 saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintii maalinlaha hayd la wadaagaya bulshada Reer Somaliland ayaa sheegay in 48 saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyey boqol iyo toban qof, iyadoo 29 qof oo dadkaas ka mid ah laga helay xannuunka Covid-19, dadkaas xannuunka laga helay oo ka kooban saddex iyo labaatan rag ah iyo lix dumar ah, iyada oo ay da’adoodu u dhaxayso 20 jir ilaa 90 jir isla markaana ay dhamaantood ay yihiin muwaadiniyiin u dhashay Somaliland, waxayna ku kala sugan yihiin afar iyo labaatan ku sugan caasimadda Hargeysa, halka shanta qof ee kalena ay ku sugan yihiin magaalada Burco.

Geesta kale, agaasimaha guud ee caafimaadku waxa uu intaas ku daray in tirada guud ee laga helay xannuunka Coronavirus gudaha Somaliland ee uu soo ritay xannuunkaasi ay dhan tahay 286 qof, halka ay u dhinteen 19 qof, iyadoo dhimashadii hore uu ku biiray hal qof, waxaana xannuunkaas u jiifa dad tiradoodu ay dhan tahay 234 qof, halka tirada ka bogsatayna xannuunka Coronavirus ay tahay 33 qof.

Waxa kale, oo uu agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, uu sheegay in cusbitaalada waaweyn ee gobollada dalka ee lagu xannaanaynayo dadka uu soo ritay xannuunka Covid-19 ay wasaaraddu gaadhsiiyey Ogsajiintii loogu adeegayey bukaanada, wuxuuna agaasimuhu intaas raaciyey in hawlihii xakamaynta xannuunka ay wasaaraddu sidoodii u waddo.

Wuxuuna agaasimuhu bulshada kula dardaarmay in ay qaataan kuna dhaqmaan fariimaha wacyigelinta ah ee ay wasaraddu u soo gudbinayso bulshada si loo xakamaeeyo fiditaanka xannuunka.

LEAVE A REPLY