Wasaaradda Caafimaadka Oo Daawooyin Ku Wareejisay Cusbitaalka Dhimirka Ee Burco

0
545

Burco (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa daawooyin gaadhsiisay cusbitaalka Maandhaye ee magaaladda Burco.
Cusbitaalka Maandhaye ayaa lagu daaweeyaa dadka qaba xanuunadda Dhimirka.
Daawooyinkan waxaa soo dhiibay Aadan Ciise Aw Cali (Adan Dhako), oo ka mida qurba jooga Togdheer ee magaaladda London degan.
Waxaanu Aadan Dhako, ku soo hagaajiyay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (bidhi).
Iyadoo uu isna ku soo hagaajiyay isuduwaha wasaarada caafimadka ee gobolka Togdheer Dr. Adan Casayr.
Waxaana daawooyinkaaai ayaa lagu wareejiyay maamulka dhakhtarka Maandhaye.


Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr, ayaa u mahad celiyay Aadan Dhako oo daawooyinkan soo diray.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here