Wasaaradda Biyaha Somaliland iyo Jaamacadda Makale Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
1016

Maqale (Hargeisa Press.com): Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland iyo jaamacadda Maqale ee ku taalla dawlad degaanka Tigreega  ee dalka Itoobiya, ayaa kala saxeexday heshiis ah in labada dhinac ay iska kaashadaan aqoonta  biyaha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyo wefti uu hoggaaminayo, oo ku sugan xarunta magaaladda Maqale ee waddanka  Itoobiya, ayaa sheegay in heshiiskaasi ay ka mid tahay in jaamacadaasi ay wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland  gacan ka siiso sida loo kordhiyo dakhliga horumarinta biyaha.

Waxaanu sheegay  agaasimaha guud ee wasaaradda biyuhu  in maamulkaasi uu ka  mid yahay kuwa ugu fiican ee ka faa’iidaysta biyaha roobka.

Waxaanu xusay in ay ka wada hadli doonaan siyaabaha ugu habboon ee biyaha roobka loo qaban karo, loogana faa’iidaysan lahaa.

Geesta kale weftiga agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa  lagu wadaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan masuuliyiinta dawlad degaanka Tigreyga ee dalka Itoobiya.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY