Wasaaradda Biyaha Oo Laba Dhaam Biyood Ka Hirgelinaysa Togdheer

0
819

Burco (Hargeisa Press.com): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta dhagax dhigay laba Dhaam biyood oo xukuumadu ka hirgelinayso degaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Labadan mashruuc ayaa laga hirgelin doonaa degmadda Nasiye iyo degaanka Harada Guba-taxil  laba Dhaam biyood oo xukuumadda Somaliland ka hirgelinayso degaamadaasi oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Mashaariicdani ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin kuwa kor loogu qaadayo adeegyada arrimaha bulshadda degaamadaasi gaar ahaana dhanka biyaha oo ay baahi weyn u qabaan dadka ku nool meelahasi.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil, agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Somaliland oo dhagax dhiga kadib halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay wasaaradda biyuhu uga jawaabtay dalabkii uga yimid shacabka ku nool degmadda Nasiye iyo degaanka Harada Guba-taxil.

Waxaanu agaasimuhu sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi, ay dedaal iyo tacab badan ku bixinayso sidii ay bulshadu u heli lahayd biyo ku filan.

Isuduwaha wasaaradda  biyaha u jooga gobolka Togdheer Rashiid Faarax, oo isna halkaas ka hadlay  ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay Dhaam biyood-yadan laga hirgelinayo degaamadda Nasiye iyo Harada Guba-taxil.

Waxaanu ugu baaqay bulshadda ku dhaqan degaamadaasi inay ka faa’iidaystaan mashruucan oo wax weyn ka bedelaya noloshooda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY