Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Bilaabaysa Olole Lagula Dagaalamayo Ayaxa

0
173

Hargaysa (HP): Wasaaradda beeraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in todobaadka danbe ay gobolo ka mida dalka ka bilaabayaan hawl gallo lagula dagaalamayo Ayax fara badan oo meelaha qaarkood ku habsaday.

Hawl galadaasi lagu buufinayo Ayaxa oo laba weji leh ayaa la filayaa in lagaga hor tago Ayaxa loo yaqaano Koron-korta oo degaamo Somaliland ka tirsan ka dilaacay iyo sidoo kale Ayax kaloo guurayo oo laga yaabo in uu ka soo gudbo wadamadda Somaliland la deriska ah.

Sida uu sheegay Mukhtaar C/raxmaan Cilmi, oo ah madaxa xafiiska Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland oo shalay u waramay wargeyska Dawan.

Ololahan lagula dagaalamayo Ayaxa waxaa wasaaradda beeraha ka caawinaya hay’ado caalami ah iyo urur ka shaqeeya la dagaalanka Ayaxa oo fadhigiisu yahay magaaladda Addis Ababa.

Mukhtaar C/raxmaan Cilmi, waxa uu sheegay in qiimayn ay ku soo sameeyeen degaamadda uu Ayaxaasi ugu badan yahay, iyadoo ay wacyigelin la xidhiidha sidii ay ula dagaalami lahaayeen u soo qabteen dadka reer baadiyaha ah.

Isagoo ka warbixinayay heerka uu Somaliland ka marayo Ayaxu, waxa uu ydihi “Ayaxu wadanka wuu ka jiraa, waanan ka war qabnaa. Ayaxaasi waa laba nooc, mid waa mid duulaya oo socda, midna waa mid Koron-korro ah. inaga waxaa saamayn inagu yeeshay oo ay hadda dadku ka soo cabanayaan, nooca loo yaqaano Koron-korta, oo dhawaan dilaacay. Kaasoo ay keentay iyadoo imika barwaqadu ay dalkeena aad u badan tahay, ayaa sababtay in uu fara bato.

Taasina waxay keentay meello aanu markii hore Dhashiisa dhigi jirin, in uu ku dhalo, baaxadiisu-na ay badato. Waanan u diyaar garoobaynaa, oo had iyo jeer wasaaradu waxay leedahay Waaxda sahaminta Ayaxa iyo xakamayntiisa, labadaba way samaysaa.

Sahamintii waanu soo samaynay, baaxadiisu inta ay le’eg tahayna waan og nahay. Waanan u diyaar garoobaynaa, oo haddii ALLE idmo todobaadka soo socda ayaanu bilaabaynaa sidii Koron-kortaasi loo xamayn lahaa”.

“Ayaxan xagga Itoobiya inooga soo gudbay, ee ay Itoobiya buufinaysay….wadamadan Badda Cas u dhaw ama kulaala iyo gacanka Cad-meed oo dhan,   imika Ayaxu wuu ka jiraa, maadaama oo sanadkan roobab waaweyni ay ka da’een, oo cimiladda ayaa saaciday, taa awgeed, aad ayaa looga wada cabanayaa.

Wadamadda sida Suudaan, Itoobiya, Ereteriya iyo inagaba, wuu ka wada jiraa Ayaxaasi. Ayaxani inaga marka la eego xeebta Badda Cas, inta u dhaxaysa Berbera ilaa Saylac, waa meelaha lagu yaqaanay taariikh ahaan ee uu dhigo Ugaxaantiisa, ee uu marka danbe-na ka dilaaco.

Wasaaradda beeruhu-na had iyo jeer sahamin bay samaysaa, iyadoo ay noo joogaan dad aanu u tababarnay, oo nala soo socod siiya, haddii ay arkaan Ayaxii oo dilaacay”ayuu yidhi madax waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha.

Mukhtaar Cilmi, oo ka warbixinayay ilaa hadda waxa tallaabo ah ee ay qaadeen, waxa uu yidhi “Tallaabadda aanu qaadnay, waxay tahay koow waanu soo sahaminay, waanan og nahay xadigiisa iyo inta uu le’eg yahay Ayaxaasi. Marka aad ogaato shaygu inta uu le’eg yahay,  iyo meesha uu joogo iyo xaaladda uu ku jiro ama marxaladda. Wuxuu ku jiraa marxaldii ama da’adii labaad. Markaa waan xakamaynaynaa”.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka ugu haboon ee loola dagaalami karo Ayaxaasi, “Laba hab ayaanu u xakamaynaynaa. In aanu Buufino, oo hadda waxaanu dalbanay oo aanu sugaynaa.. wixii kale way noo dhamaystiran yihiine, daawo aanu ku isticmaalayno oo biological ah oo aan degaanka waxba yeelaynin, iyo dadka iyo xoolahaba.

Ta labaad waxaanu ku xakamaynaynaa hab loo yaqaano mechanical control, oo aanu bulshadana u sii sheegnay, oo aanu ku wacyigelinay, oo ilaa hadda ay isticmaalayaan, oo la yidhaahdo Terejee, oo Koron-kortu marka ay socoto way is-daba guuraysaa.

Koron-kortaasi horteedda ayaa la jeexaa, oo God dheer baa loo qodaa, kadib halkaasi ayay ku daadataa, waana lagu aasaa. Waana habka ugu muhiimsan ee ay beeralaydu nagu sii sug-siiso.

Markaa diyaar garowgii ayaanu hadda ku jirnaa, xadigiisana waan og nahay. Todobaadkan ayaanay wasaaradu xakamayntiisii gelaysaa. Sahamintiina waan soo dhamaynay”ayuu yidhi Mukhtaar.

Geesta kale madaxa waaxda xakamaynta Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland waxa uu sheegay in ay xidhiidh la sameeyeen qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah gaar ahaan FOA si ay uga caawiso la dagaalanka Ayaxa.

Waxaanu yidhi, “Haa, xidhiidh waanu la samaynay hay’adaha caalamiga ah. hay’adda FOA ayaana ka mida. Ayaxan kale ee duulaya, ee inagu wareegaya, ee dhinaca Itoobiya iyo xuduudka ku wareegaya-na, waxaan kala xidhiidhnay qoldo Delco la yidhaahdo, oo East Africa ah, oo Desert Log East Africa Organization la yidhaahdo, oo xarunteedu tahay magaaladda Addis Ababa, waan la xidhiidhnay, waxaanan isla garanay, in ay diyaaradaheedu inoo soo gudbaan, waanan ka eegnay daawooyinka ay isticmaalayaan, waana kuwo dabiici ah.

Maadaama oo Ayaxaasi uu guur-guurayo, waxaan kala shaqayn doonaa kolba meesha uu joogo, waanay soo gudbayaan diyaaradahoodu todobaadkan haddii ALLE yidhaahdo”.

Mukhtaar Cilmi, oo aanu waydiinay baaxadda dhibaatadda uu Ayaxaasi ilaa hadda soo gaadhsiiyay dalagyadda beeraha iyo dhul daaqsimeedkaba, waxa uu ku jawaabay “Waxaa la soo sheegayaa, meelaha ay Koron-kortu, meelaha beeraha waraabka ah leh, sida Burco, agagaarka Berbera, meelaha tuulooyinka beeraha waraabka ah leh, ayay cabashadoodu hadda na soo gaadhay, oo uu Ayaxu waxyeeleeyay”.

Dhinaca kale madaxa Waaxda Ayaxa ee wasaaradda beeraha ayaa ka hadlay degaamadda ama goboladda ugu daran ee ay ka hawl gelayaan.

Waxaanu yidhi, “Degaamadda aanu ka hawl gelanayno waxaa ka mida… horta wuxuu fadhiyaa qaybta Koron-koradda Ayaxa la yidhaahdo,  waxay fadhidaa oo ay ka dilaacday, xeebta u dhaxaysa Berbera, ilaa Saylac. Ta labaad, Berbera barigeedda ilaa Laas-ciidle laga gaadhayo, iyad-na waan ku soo aragnay, oo waan soo sahaminay.

Ta saddexaad, oo aanu hore u dhigi jirin Dhashiisa, oo ay wakhti hore ugu danbaysay, oo imika nagu cusub, oo markii aan raadiyay taariikh ahaan la igu yidhi, waxaa ugu danbaysay 1980-kii, oo uu Dhashiisa dhigi jiray, dhinacan Hawdka, ilaa Oodweyne laga bilaabo, ilaa xuduudka Kilinka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Waan soo marnay, ilaa Duruqsi, Dhoqoshay, Bisiqa, dhulkaas oo dhan, waan ka hawl gelaynaa, kooxii ka shaqaynayayna waan diyaarinay, daawadii ayuun baan sugaynaa oo noo imanaysa maalmahan, kadibna waan hawl geli doonaa, haddii ALLE yidhaahdo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho:Wargeyska DAWAN.

LEAVE A REPLY