Wasaaradda Beeraha Oo Ayax Buufin Ka Fulisay Hawd iyo Salaxley

0
694

Baligubadle (HP): Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta hawl-gallo lagula dagaalamayo Ayax aad u fara badan ka fuliyay deegaamo ka tirsan gobolka Hawd iyo degmadda Salaxley.

Hawl-galkaasi Ayaxa lagu buufinayay oo uu hor kacayay agasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland Dr. Axmed Cali Maax, ayay khubarro wasaaradda ka tirsani ku buufinayeen Ayaxa.

Waxaana ka mid ahaa deegaamadii Ayax buufinta laga fuliyay Jabaaqe, Magaalo-xaali, Bali cas, Qool Caday iyo Toon.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY