Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Digniin U Dirtay Dad Ajaanib Ah Oo Shirar Shaki Leh Somaliland Ka Dhex Wada

0
685

Hargeysa (HargeisaPress) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa digniin u dirtay Dadka Ajaanibka ah ee Gudaha Somaliland ku jooga Qoxootinimada.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay ka war hayaan Dad Ajaanib ah oo ku hawlan Abaabul iyo Shirar, sidaasi darteedna ay u dirayaan digniin ah inay arrimahaa faraha kala baxaan, maaddaama oo Degannaanshiyaha Somaliland loogu ogolaaday oo keliya inay si nabadgalyo ah uga dhex shaqaystaan.

Wasiir ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maalmahan waxaad arkayseen Dad Ajaanib ah oo ka hadlaya Warbaahinta Dalka Gudihiisa, Dadkaasi Ama Qoxootinimo ha ku joogaan ama si kaleba haku yimaaddaane waxaan Dadka Ajaanibka ah halkan uga dirayaa digniin ah inaanu jiri Karin Qof ajaanib ah oo gudaha Somaliland Cid siyaasad kagala hadli kara ama Warbaahin soo istaagi kara. Dadka Magangalyo ayaanu siinay, inay si Nabadgalyo ah Dalka uga shaqaystaan, laakiin umaanu siinin (Magangalyada) inay dagaalo ka dhex abuuraan oo ay Mucaaradnimo ka dhex sameeyaan..”

Wasiir ku-xigeenka Amnigu waxa kale oo uu sheegay “Inta hore u dhacday Digniin baanu uga dhigaynaa, laakiin marka markaa xigta ee Qof ajaanib ah lagu qabto isagoo Warbaahinta ka hadlaya, Shir ka dhex hadlaya ama abaabul ka dhex wada Waddanka Gudihiisa uma dul-qaadanayno mana aqbalayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ajaanibka umaanu ogolaanin inay Fawdo Waddanka ka abuuraan, imika qaar baa la sheegayaa inay Shirar ka shaqaynayaan, waxaanu ballan-qaadaynaa hadday Shirarkaa isugu yimaaddaan oo ay rasmi ah noqoto inaanu ka qaadi doono Tallaabo Sharciga waafaqsan.”

Wasiir ku-xigeenku si cad uma sheegin Ajaanibka u sheegay Dalalka ay ka soo jeedaan, balse wuxuu Carrabka ku dhuftay Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya oo Dad badan ay Somaliland ka joogaan  “Waxaanu haynaa Magacyadooda, meelaha ay ka shaqeeyaan, Cidda ay yihiin ayaanu garanaynaa, kuwaa iyo kuwa la midka ahba, ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan oo dhan ha noqdaane..” ayuu yidhi.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here