Wasaaradda Amniga oo Shaacisay Xilliga Ay Goleyaasha Deegaanku Yeelanayaan Fadhigooda Ugu Horreeya

0
1596

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa shaacisay xilliga ay yeelanayaan fadhigooda ugu horreeya  golayaashii deegaan ee dhawaan la soo doortay, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaah gudaha oo ku saxeexan yahay wasiir Maxamed Kaahin, ayaa lagu sheegay xilliga la ansixinayo xubnaha golaha deegaanka ee degmooyinka dalka iyo wakhtiga ay fadhiisnayaan kal fadhigooda ugu horreeya.

Degmada Hargeysa waxa la ansixinaayaa xubnaha golaha deegaanka 15 bishan aynu ku jirno ee Juun, waxayna kalfadhigooda ugu horreeya yeelanayan 17 bishan.

Degmada Burco ee gobolka Togdheer waxa la ansixinaayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Boorama ee gobolka Awdal waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16 bisha Juun ee sannadkan.

Degmada Berbera ee gobolka Saaxil waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14 bisha Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 15 bishan Juun.

Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 19 bisha.

Degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Sheekh waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021

Degmada Gebilay waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15.06.2021 waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Caynaba waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15.06.2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021.

Degmada Buuhoodle waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17.06.2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Taleex waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021.

Degmada Xudun waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Balli-gubadle waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Gar-adag waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 13-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 14.06.2021.

Degmada Ceel-afweyn waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 15.06.2021.

Degmada Baki waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Lug-haya waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 20-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 21.06.2021

Degmada Saylac waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 22-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 23.06.2021

Degmada Sallaxley waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

Degmada Oodweyne waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.

LEAVE A REPLY