Wasaarada shaqo galinta Somaliland oo xuquuqdeedii usoo dhicisay hooyo Ayaan Cabdiraxmaan

0
886

Hargeysa,(HargeisaPress) -Wasiiraaradda Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland ayaa xaquuqdeedii usoo dhicisay hooyo Ayaan Cabdiramxaan oo meherad aan magaceeda la shaacin shaqaddii ka eriday.

Hooyo Ayaan Cabdiraxmaan waxa la kulantay Ubax Ciise wakhtigii shaqada laga joojiyey,taas oo baraha bulshadda ku soo bandhigay tacadiga ay hooyadani ka tirsanayso ganacsadihii ay u shaqaynaysay, taasina waxay sababtay in baraha bulshadda qabsato tacadiga hooyadan oo dadkii ay ugu doodaan baraha bulshadda.

Qoraalka lagu baahiyey baraha bulshada waxa markiiba ka soo jawaabtay wasaarada shaqo galinta iyo arrimaha bulshadda oo ganacsadihii shaqada ka joojiyey dacwad ku furtay, halka gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariim xinif oo ballanqaaday inuu shaqo hal saacad ah siin doono.

Wasiirka wasaaradda shaqogalinta Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa Hooyo Ayan Cabdiraxman Axmed maanta guddoonsiiyay lacag dhan $990 dollar oo ah xaq shaqaalennimo ee ay ku lahayd ganacsadihii ay u shaqaynayey.

Hooyo Ayaan Cabdiraxmaan ayaa muddo labada sano ah nadiifisonimo ugu shaqaynaysay Supermarket  ku yaala Suuqa Magaaladda Hargeysa, waxaana loo xisaabiyey xaq sanadeed keeddii,bishii fasaxa ahayd ee ay sanadkiiba hal mar xaqa u lahayd iyo xuquuqdii maalmaha qaranka ee fasaxyada.

Sidoo kale, waxay hooyo Ayaan cadaysay in maalmaha ciida waxii ay xaq u lahayd iyo bishii ogeysiinta eriga ba hore loo siiyay.

Dhinaca kale Wasaaradda Arimaha Bulshadu waxa ay kafaalo qaaday waxbarashadda ubadkii ay hooyadu aadka uga war warsanayd.

Hooyadan ayaa noqotay mid nasiib leh oo baraha bulshadda loogu difaacay, taas oo markiiba ka soo jawaabeen hay’adihii dawlada ee ilaalinta shaqaalaha masuulka ka ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here