Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Maanta Shaacisay Kiisa Horleh oo Covid-19 Ah

0
1686

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay kordheen kiisaska cudurkaasi iyadoo baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey ay yihiin 40 qof Somaliland.

Sideed qof (8) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander . Bukaanadan dhamaantood  waa rag,

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 1 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)

Bukaanadan dhamaantood  waxa ay degan yihiin Hargeysa.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Todoba iyo konton (57).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here