Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo War Ka Soo Saartay Gabadh Shaqaale Ah oo Dhibaato Loo Gaystay

0
1874

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxa ay markii ugu horaysay ka hadashay Gabadh shaqaale ka ah wasaaradaasi oo la sheegay in dhibaato loogu dhex gaystay xarunta wasaarada.

Wasaarada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararkaasi sheegaya in dhibaato wasaarada dhexdeeda loogu gaystay Haweenaydaasi, iyadoona sheegtay in aan wax dhibaato ah loo gaysan Haweenka shaqaalaha ka ah wasaarada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo Guddoomiyaha hay”adda shaqaalaha oo si wada jir ah saxaafada ugula hadley xarunta wasaaradaasi ayaa sheegeen in baadhis ay sameeyeen ay uga soo baxeen in habayaraatee aanay waxba ka jirin dhibaatada la sheegay in Gabadhaasi uu u gaystay nin shaqaale ka ah wasaarada.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here