HARGEISA , (HargeisaPress) —Maanta oo ay bishu tahay 7da April oo ku beegan maalintii booliisku xayireen wargeyska Haatuf, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay magaaladda Hargeysa ka soo saartay warbixin afar bilood leh ah oo ay kaga hadlayso dhacdooyinkii la xidhiidhay saxaafadda ee dhacay afartii bilood ee u danbeeyey laga soo bilaabo 10kii December 2015 ilaa 1da April 2016.
Warbixinta oo ka kooban 18 bog waxay sheegaysaa in Somaliland lagu xidhay afartas bilood kow iyo toban (11) suxufi. Laba dacwadood oo ciqaab ah ayaa lagu soo oogay suxufiyiin. Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka tirsan Hubsad waxa dacwad ciqaab ahi kaga socotaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa halka Axmed Muuse Sakaaro dacwad lagaga oogay gobolka Togdheer.
Waxa magaalada Hargeysa dhexdeeda 20kii March 2016 lagu weerary laba suxufi oo ka tirsan telefiishanka Bulsho: Calimahdi Jibriil Xasan iyo Cabdiweli Yuusuf Cumar. Waxa dhaawac soo gaadhay Cabdiweli. Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo la xidhay 26kii March lana sii daayay 28kii March waxa loo gaystay dhaawac kadib markii ay xidheen oo garaaceen ilaalada Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale wax la xayiray sadex wargeysa oo kala ah Hubsad, Codka Shacabka iyo Xog Ogaal, halka Haatuf uu xayiran yahay tan iyo April 2014.
Warbixintu waxaay u soo jeedisay dawladda Somaliland inay joojiso ciqaabta, xadhiga iyo dacwad ku oogisita saxaafadda, iyo inay ogolaato furashada warbaahin cusub iyo in lala kala wareegi karo kuwa jira. Sidoo kale waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku u soo jeedisay dawladda Somaliland inay xayiraadda ka qaado wargeysyada xayiran ee Haatuf, Hubsad, Codka Shacabka iyo Xog Ogaal, iyo inay joojiso dacwadda ciqaabta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta Hubsad.
Dhinaca kale Xaruntu waxaay ka codsanaysaa garsoorka Somaliland inay joojiyaan Xeerka Ciqaabta ee ay u adeegsadaan saxaafadda. Xaruntu waxay warbixinteeda ugu soo jeedisay ururada bulshada rayidka ah inay taageeraan saxaafadda Somaliland.
Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka
Email: hrcsomaliland@gmail.com website: http://www.hrcsomaliland.org/