WARQAD KU SOCOTA MADAXWAYNE MUUSE BIIXI CABDI

0
1347
Qora Muhamed Dhimbiil

Madaxwayne waxa aad tahay Madaxwaynaha qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa Alle masuuliyadiisa ku saaray maalintii 13 Dec 2017 laguu dhaariyey in aad dadka iyo dalka Somaliland sinaan iyo cadaalad ku maamulayso sida ku xusan dhaarta dastuuriga ah ee madaxda qaranka lagu dhaariyo.

Waxa lagaaga baahan yahay in ay xukuumadaadu ku dhiirato in ay samayso qiimeynta gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland oo gobolkii buuxiya ay horgeyso golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland , waa shaqada wasaarada arimaha gudaha Somaliland, tan iyo intii miisaaniyad qaran la sameynayey waxa jiray lacag ku jirta oo la yidhaahdo kharashka kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana ma jirto Somaliland gobol iyo degmo kala xadaysani oo ay wasaarada arimaha guduhu samaysay.

Hadalkii wasiirka isgaadhsiinta oo Gobolka ka soo jeedaana waxa aan is leeyahay wax aan shaqadiisii aheyn ayaa la weydiiyey , isla markaana maaha dadka aad nidaamka maamulka dawladnimo la falgalay wax badanina uga baxsan yihiin , oo Waa wasiir shaqada ugubka ahi nidaamka dhex keentay , inkasta oo uu yahay shaqsi aqoon badan sida igu maqaalo ah , hadana shaqo xukuumada u taalla ayuu golaha wakiilada ku riixayay , haday doonto ha kaba ahaato difaac xukuumadeed iyo isdiidsiin masuuliyadeed e .

Hore waxa u soo dhacday mudane madaxwayne oo aad ka war qabtaa xogogaal na u ahayd in Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal Alle ha u naxariisto e xiligiii uu Madaxwaynaha ahaa uu gobolka saaxil oo uu ka soo jeeday gobol ka dhigay, la iskumana ceebsan xumana may keenin ee waxa loo arkay gobol loo baahnaa kuna munaasib ah gobolnimada oo u qalma.

Madaxwayne waxa jirtay xiligii uu dalka Madaxwayne ka ahaa mudane Daahir Rayaale Kaahin ayey xubini ka geeriyootay komishankii doorashada ee ugu horeeyey, xubintaasi waxa soo magacaabay ururadii mucaaridka ahaa waxaana uu ka soo jeeday Gobolka Awdal, hadaba markii xisbiyadii mucaaridka ahaa is yidhaahdeen buuxiya oo ay u garteen Maxamed Xaashi Cilmi waxa diiday Madaxwayne Daahir Rayaale waxaana uu yidhi xubinta Gobol baa leh , waxaana soo galay marxuunkii geeriyooday walaalkii, dabadeedna waxa lagu yidhi Madaxwayne sawdiga gobolkaagii uun wax u doonay adiga oo Madaxwayne qaran ah , waxa uu kaga jawaabay sida aan Borama ugu doodayo ayuun baan Burco na ugu doodii doonaa oo macnaheeda loo fahmay gobolaa lagu qaybiyey Awdal Madaxwayne ayey leedahay ku waayi mayso xubinteeda.

Mudane Madaxwayne ha is odhanin hadii aad isku hawsho waxa ay Gabiley mudan tahay in aad yeesho in aad ku eedoobi doontid, waliba dadka dalka iyo dhulkaba u xogogaal ka ah ayaa lagugu tiriyaa in aad ku dhiirataa oo ay xukuumadaadu hawshaa is dhaafisaa Waa mid lagaaaga fadhiyo, oo lagaa sugayo marwalba kumana lihin waxa aanay xaq u lahayn una qalmin la raadi ee Waa Gobolnimo dhamaystiran oo taariikhdeeda iyo ilaa goortii la raadinayey lawada og yahay.

Gobolada aad ka soo jeedo iyo dadkaagu waxa ay xaqa iyo xuquuqda ula siman yihiin gobolada kale iyo muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland lagaamana rabo in aad cadaalad daro u sameyso , hadii aad aragti kale oo ka duwan tan gobolada badan aad qabtona iyada oo qorshaheega wadata iyo sababeynteedaba bal miiska soo dhig ha lagula eegee.

Muxamed Dhimbiil

Muhamed Dhimbiil
+252634241005
Twitter @dhimbiil

LEAVE A REPLY