Warqad furan oo ku socota Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi

0
910

Mudane Madaxwayne waxaan halkani kuugu soo gudbinaynaa talo qaran iyo nasteexo inoo wada dan ah. Marxalada ay dunidu marayso waa mid kala guur ah khatarteedana leh inana saameyn wayn inagu leh hadaan laga digtoonaana daadka ayaa ina qaadi doona, waxa caalamka maanta saameyn weyn kuleh xanuuno aafeeyay dunida dhamaanteed dawadeedana ilaa hadda la guma guuleysan.

Qoomkii nabi yuunis (CS) ilaahay way beeniyeen, nabigiina way diideen, ilaahay waxuu usoo diray cadaab 3 cisho ayaana loo qabtay nabi yuunisna isagoo madluunsan ayuu ka huleelay deegaankii hal maalin markay uga hadhay balantii waxa soonhadheeyay cadaabkii ilaahay oo ay soo kaceen daruuro madow way isku soo baxeen dhamaantood waxaanay ku heshiiyeen in la is dabo qabto ilaahayna la rumeeyo kol hadii nabigii ilaaahay ka baxay magaaladii oo ay rumeysteen in cadaab Alle ku soo socdo, Ilaahay way rumeeyeen cadaabkiina waa laga fayday waxaana loogu badaley roob iyo nimco eebe.

Mudane madaxwayne halka laga leeyahay hala faraxasho waxa mudan in la yidhaaho hala waysaysto, halka laga leeyahay masaajida hala baxo in la yidhaaho xaga Alle haloo cararo. Waxa lagu badbaadayaa waa toobada eebe, istiqfaarta iyo cibaadda Alle oo la oogo, in salaada subax masaajidada loo buuxiyo sida salaadda jimce loo buuxiyo. “Xaga Alle u carara “ toobad keena” waxaan idiin ahay dige xaga Alleh” suuratul waddariyaat 50, Digista nabigu (cs) inoo sheegayaa waa inuu nooga digaayo cadaabka ilaahay iyo cadhadiisa subxaana wataacaala. Ilaahay wuxuu yidhi “kuwii dulmiga sameeyay waxa u sugnaaday “qayb ciqaab” oo la mid ah tii saaxiibadoodii ka horeeyey u sugnaatay, waxaba ha degdegsanina” suuratu wadaariyaat 59, Ilaahay wuxuu yidhi “ eebihiin dambi dhaaf waydiisataan ilaahay waa dambe dhaafe badanee” “ cirka roob badan ayaa idiinkaga iman* waxaana la idiin kordhiyo dad iyo duunyo* “waxaanu idin siin rabigiin barqaaqo iyo wabiyaal” suratul nuux 10 ilaa 12 .

Mudane madaxwayne intii dunida qoomam la soo ciqaabay amba la halaagay waxa inoogu sugnaaday inaan ku cibro qaadano waxa kaliya ee ay diideena waa amarkii ilaahay inay ku qaataan dariiqa nabigii loo soo diray qoom walba. Waxa inagana inala gudboon inaynu xadhiga ilaahay qabsano shareecadda islaamkana oogno waxaanu kaa codasanynaa in la inaga laabo Indian panel code maxkamadeheena yaala laguna badalo kitaabka quraanka iyo shareecadda islaamka,ilaahay ayaa inaga xafidi dhib kasta oo dunida ka jirta, shareecadu waa badbaadada nafeheena aakhiro iyo aduunba

MAHAD OO DHAMI ILAAHAY AYAY U SUGNAATAY

QORE: ABAAFOQORE

LEAVE A REPLY