Wariye Axmed Cabdinuur oo Maanta Lagu Aasay London (SAWIRRO)

0
1636
Wariye Axmed CabdinUur oo Maanta Lagu Aasay London

London (Hargeisa Press) — Ale ha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu aasay Wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa wariyeyashii BBC-da.

Waxaa aaska marxuum Axmed Cabdinuur ka qayb galay dad aad u kooban maadama uu dalkaasi si weyn ugu sii faafayo xanuunka Covid-19 oo aan la ogolayn in dad badani ka qayb qaato.

Meydka marxuum Wariye Axmed Abdinuur ayaa Salaadda jinaasada lagaga tukaday Masaajidka Edmonton, ee magaalada London.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa 6–dii bishan ku geeriyooday London isagoona u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Wariye Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996.

Axmed Cabdinuur ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Ceelbuur sanadkii 1955-kii, isagoona wax ku bartay magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25 sano.

Wariye Axmed CabdinUur oo Maanta Lagu Aasay London

LEAVE A REPLY