Wargelin: Goobta iyo Goorta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Maroodi-jeex

0
1224

Hargeysa , (HargeisaPress) — Waxaa si habsami ah u soo xidhmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

-Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Maroodi-jeex Caasimadiisa Hargeysa ayaa qabsoomi doonna maalmaha Arbacada 19/12/2018 iyo Khamiista 20/12/2018 Insha Allah

-Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo kamid ah kaalmihii Shaqo ee ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Xarumaha dhexe ee laamaha Dawladda

– Haddaba, Waxaa lagu wargelinayaa tartamaasha ku tartamaya Qaybaha:

+ Xisaabaadka iyo Maaliyada ” Accounting and Finance + Sharciga “Legal”

in ay berito oo Arbaca ah kasoo xaadiraan Xarunta Machadka Shaqaalaha Dawladda “CSI” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Arbacda iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

-Dhanka kale, tartamayaasha ku tartamaya qaybta Maamulka iyo Maaraynta waxaa lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan maalinta Khamiista Xarunta Machadka Shaqaalaha Dawladda “CSI” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Khamiista iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY