Warbixin Sharraxday Caqabadaha Horyaalla Cayaaraha Somaliland

0
898

Hargeysa(Hargeisa Press.com): Idaacadda BBC-da ee dunidda la hadasha qaybteeda ciyaaraha,  ayaa maanta warbixin ka qortay  Akaadami dhinaca ciyaaraha ah oo laga furay Hargeysa.

Kaasoo  qorshuhu yahay in mustaqbalka laga soo dhiso xul  qaran oo ay yeelato Somaliland.

Warbixintaas oo uu qoray Weriye ciyaaraha qaabilsan  oo la yidhaahdo Robert Kidd, ayey  wakaallada Wararka Somaliland ee  SOLNA ka  soo xigatay  warkan  oo  si qoto-dheer tafaasiil  uga bixiyey  horumarinta ciyaaraha Somaliland iyo caqabadaha horyaalla.

Waxaanay  warbixintaasi u qornayd sidan:-

“Carruurta ku ciyaaraysa waddooyinka magaalada Hargeysa, waxay ku hamiyeyaan inay maalin uun metali doonan dalkooda oo aan la  aqoonsan.

Somaliland waxay leedahay baasaboor iyo lacag u gaar ah iyo calan ka ba’banaya  Baarlamaanka Somaliland, halka madaxweynaha Somalilandna  lagu soo doorto doorasho  dimuqraadi ah oo xasilloon.

Bishii Feberwari ee sannadkan dhallinyaro  qurbajoog ah ayaa Somaliland ka furay Akaadamiga Kubadda Cagta Somaliland  (Somaliland Football Academy), waxaana aasaasayaasha Akaadamigani kala yihiin Axmed Cali iyo Maxamed Siciid oo ka yimmi Birmingham iyo Cabdisalaan Axmed iyo Xuseen Aadan oo  ka tagay  London.

Axmed Cali ayaa sheegay Somaliland  in wax  kasta laga soo bilaabayo hoosta, waxaanu tilmaamay in doonayaan sidii  maalin uun  ay u samayn lahaayeen  xul qaran oo ay yeelato Somaliland.

Warku wuxuu intaas ku daray  in dhallinyarada   aasaastay Akaadamiga Ciyaaraha Somaliland ay booqasho  ku tageen   Somaliland oo dhan, isla markaana  ay carbiyeen  132 tababare.

Halka  ay qaateen 1,600  oo  ciyaar-yahan. Akaadamiga Kubadda cagta Somaliland ayaa warbixintu xaqiijisay inuu  ku tiirsan  yahay deeq ay ka heleen West Brom oo siisay agabka tababarka iyo qalab ciyaareed kale.

Sidoo kale Axmed Cali wuxuu sheegay inay rejo u abuureen da’yarta oo ka joojinayaan tahriibka oo tiiraanyo ku hayey hooyooyin badan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY