Warbixin: Ololihii Doorashadda Jabuuti Oo La Soo Gebagabeeyay

0
634
DJIBOUTI, DJIBOUTI - APRIL 6: Supporters of Ismail Omar Guelle, President of Djibouti and presidential candidate, attend an election campaign rally at the Djibouti Stadium in Djibouti on April 6, 2016. (Photo by Minasse Wondimu Hailu/Anadolu Agency/Getty Images)

Jabuuti (HP):  Maalinta Jimcaha soo socda ee 9-ka bishan April, ayaa dadweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dareeri doonaan doorasho madaxweynenimo.

Codaynta sanadkan ka dhacaysa Jabuuti waxaa qiyaas ahaan ka qayb gelaya in ka badan 200,000 oo kun oo codbixiye.

Ololaha doorashadda ayaa Jabuuti ka socday muddo todobaad ah, kaasoo xisbiga madaxweyne Geelle, iyo xisbiga murashaxa la tartamaya uu mid ba maalintiisa isku soo bax ka dhigayay goboladda dalkaasi.

Waxay noqonaysaa markii shanaad oo la doorto madaxweynaha hadda talladda wadankaasi haya Ismaaciil Cumar Geelle. Isagoona sheegay in codsi uga yimid dadweynaha darteed uu mar shanaad isku soo taagay.

Xisbiyadii mucaaradka ee caanka ahaa qaadacay in ay doorashadani ka qayb galaan, hase yeeshee waxaa madaxweyne Geelle, la tartamaya oo keliya Sekeriye Ismaaciil Faarax, oo ah murashax madax banaan oo dhawaan siyaasadda dalkaasi ku soo biiray.

Sekeriye Ismaaciil Faarax, ayaa ka socda xisbiga MDEND. Ninkan oo ah ganacsade hore looma aqoon ka hor intii aanu musharaxnimadiisa ku dhawaaqin.

Jabuuti ayaa lagu tilmaamaa dal amni ahaa xasiloon, balse dhaqaale ahaan liita. Sida ay sheegayso xogtii ugu danbaysay ee Baanka Adduunka in ugu yaraan 23% dadka dalkaasi ay ku jiraan saboolnimo daran.

Halka shaqo la’aantu ay ka badan tahay 10.30%, Soomaaliya oo keliya ayaa ka badan dalalka dhaca Barriga Afrika.

Madaxweyne Geelle, oo dalka Jabuuti soo maamulayay tan iyo sanadkii 1999-kii, iyo isbaahaysigii UND ayaa maanta ololihiisii doorashadda ku soo  af-meeray caasimadda Jabuuti. Taasoo ay mucaaradku ugu yeedheen mid aan nuxur badan lahayn.

Hogaamiyaha xisbiga ARD oo isagu doorashadan qaadacay ayaa yidhi, “Doorashadda Jabuuti way macno beeshay, inta masuuliyiintu is caleemo saarayaan, waxaa sii kordhaya khatarta iyo fawdadda iyo xasilooni darradda”.

Geesta kale, Jabuuti waa dal istaraatiji ah, waxaana saldhigyo ciidan ku leh Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.

Dastuurka dalkaasi sida uu qabo, doorashadaasi waxay noqon kartaa markii u danbaysay oo madaxweyne Geelle, oo 78 jir ah uu ka qayb gallo.

Sanadkii 2010-kii waxaa wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka, da’ada murashaxiinta madaxweynaha ayaa lagu xadiday 75 sanno.

 

DJIBOUTI, DJIBOUTI – APRIL 6: Supporters of Ismail Omar Guelle, President of Djibouti and presidential candidate, attend an election campaign rally at the Djibouti Stadium in Djibouti on April 6, 2016. (Photo by Minasse Wondimu Hailu/Anadolu Agency/Getty Images)

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY