Muxuu Salka Ku Hayaa In JSL Kordhiso Qiimaha Cashuurta Qaadka Ethiopia

0
929

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in ay kordhisay qiimaha Cashuurta ee Qaadka uga yimaadda dalka Ethiopia.

Halka ay sidoo kalena hoos u dhigtay ama intii hore ka jebisay qiimihii markii hore lagu cashuuri jiray Qaadka ka yimaadda dalka Kenya.

Sida lagu sheegay waraaq amar ah oo uu 18-kii bishan January soo saaray wasiirka Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire.

Wareegtadaasi ayaa lagu cadeeyay in qiimaha caahuurta Qaadka Herreriga ee ka yimaadda Ethiopia in lagu kordhiyay halkii kiillooba lacag dhan $2.21129.

Iyadoona qiimaha lagu cashuuri jiray markii hore halkii kiillooba lacag dhan $1.567. Taasoo ka dhigaysa in la laba jibaaray lacagta cashuurta Qaadka Ethiopia.

Wareegtadda wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaan lagu sheegin sababta wakhtigan keentay in la kordhiyo cashuurta Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Ethiopia.
Sidoo kalena in si saayid ah aad hoos loogu dhigo qiimaha cashuurta Qaadka Kenya.

Waxa kaloo waraaqdaasi lagu cadeeyay in hoos loo dhigay qiimihii markii hore lagu cashuuri jiray Qaadka Miirrooga ee dalka Kenya uga yimaadfa Somaliland.
Inkastoo cadad ahaan uu aad u yaraa Qaadka Miirrooga ee Somaliland uga soo dega dhinaca dalka Kenya, marka la bar-bar dhigo kan ka yimaadda Ethiopia.

Qiimaha lacagta lagu cashuurro Qaadka Miirrowga ee Somaliland uga yimaadda Kenya ayaa markii hore ahayd in halka Kiilloo lagu cashuuro lacag dhan $4.50.

Halka imikana laga dhigay lacag dhan $0.72171, sida ku cad wareegtadda wasiirka Maaliyadda Somaliland. Taasoo ka dhigan hoos loo dhigay 3.77829.

Dawladda Ethiopia, iyo shirkadaha Qaadleyaasha ee Ethiopian ka ah ayaan iyaguna weli ka hadal tallaabadan ay Somaliland ku kordhisay qiimaha cashuurta Qaadka.
Waraaqda wasiirka Maaliyadda JSL:

Warar aanu ka helnay dad xog ogaal u ah arrintan ayaa noo xaqiijiyay in sababta keentay in ay dawladda Somaliland kordhiso qiimaha Qaadka Ethiopia uga soo dega in ay la xidhiidho codsi uga yimid dhinaca ganacsatadda Qaadka.

Kuwaasoo wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday in ay laba jibaarto qiimaha Qaadka ay ka keenaan dalka Ethiopia, taasoo ay uga dan leeyihiin in qy cadaadis ku saaraan dawladda Ethiopia.

Kadib markii ay xukuumadda dhexe ee Ethiopia ku kacday tallaabooyin ay sare ugu qaadayso ama ku kordhinaysa cashuurta Qaadka ay u dhoofiyaan Somaliland.
Soo jeedinta ganacsatadda Qaadleyaasha ee kordhinta cashuurta ayaa lagu tilmaamay in ay u jeedadoodu tahay si ay cadaadis ugu saaraan dawladda Ethiopia, iyadoona haddii qiimaha cashuurta la kordhiyo ay Qaadleyaashuna kordhinayaan qiimaha ay bulshadda kaga iibiyaan Qaadka.

Taasoo ay u arkaan in marka laga iibsan kari waayo Qaadka, ee uu marar badan ku fadhiisto, in ay dib isugu noqon doonto dawladda Ethiopia waxa sababay arrintaasi.

Maadaama oo dawladda Ethiopia Qaadka ay Somaliland u soo dhoofiso ka hesho dhaqaale lacageed oo aad u fara badan.

Geesta kale waxaa iyagna jira warar kale oo sheegaya in sababta ay Somaliland u kordhisay qiimaha cashuurta Qaadka Ethiopia ay salka ku hayso khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay labadda dal.
Khilaafkaasi ayaa la sheegay inuu la xidhiidho xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.
Waxaanay tibaaxayaan xogaha aanu helnay in Somaliland ay heshay xog cadaynaysa in xaaladda ka taagan Laascaanood bilawgii laga soo qorsheeyay dalka Ethiopia, gaar ahaana dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dhinaca kale hoos u dhigista qiimaha cashuurta ee Qaadka Somaliland uga yimaadda Kenya, ayaa loo arkaa in ay uga dan leedahay sidii loo heli lahaa suuq kale oo ganacsatadda Qaadku ay ugala soo deji lahaayeen Kenya.

Maadaama oo uu jiro khilaafkan aan weli soo shaac bixin ee soo kala dhex galay Somaliland, iyo Ethiopia, oo muddo dheer saaxiibo dhaw ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadani ay xukuumadda Somaliland ku dhaqaaqday ayaa la filayaa in ay dhawaan wax ka bedeli doonto suuqa ganacsiga Qaadka ee magaalooyinka Somaliland.

Iyadoona uu aad u yaraa Qaadka Miiroowga ee Somaliland la keenno, kaasoo intiisa ugu badan uu ka soo degi jiray magaaladda Laascaanood.

Balse waxaan ilaa hadda si rasmiya loo ogayn in cadad aad u fara badan oo Qaadka Kenya ah inuu Somaliland suuq ka heli doono, iyo in kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY