Warbixin laga diyaariyey Hooyo Qaraxyada Taxanaha noqday ee Muqdisho Galaafteen Qoyskeedii

0
1369

Muqdisho, (HargeisaPress) —Hooyo Salaado Xuseen Nuur, ayaa ka warrantay saamaynta ay nolosheeda iyo ta qoyskeeda ku yeesheen qaraxyada taxanaha noqday ee sannadaha badan joogtada uga dhacaya magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, oo kuwii ugu dambeeyey ee Sabtidii ka dhacay galaafteen Walaasheed, dhaawacyona gaadhsiiyeen Gabadheeda iyo Xubno kale, halka ay hore Saygeeda ugu weyday qarax ka dhacay sannado ka hor isla Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho oo ka shalayna ka dhacay.

Waxay Hooyo Salaado carruurteeda ku biishaa ama nolol-maalmeedka qoyskooda ka soo saari jireen Shaah ay ku kirin jirtay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho agtiisa oo ay ku haysatay Makhaayad shaaha laga cabbo ama ku horgedi jirtay Shaaha, isla markaana mararka kala duwan iyada iyo xubnaha qoyskeedu dhibaatadaa nolosha xubnaha muhiimka u ahaa qoyskeeda galaaftay.

Haddaba, Warbixin dareen iyo murugo xambaarsan oo laga diyaariyey Hooyo Salaado iyo sida ay qaraxyadu u saameeyeen iyada iyo qoysas kaleba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan

LEAVE A REPLY