Warbixin Ku Saabsan Xeerka Macdan Qodista Somaliland

0
831

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xeerka macdan qodista Somaliland oo ay hore cod ugu qaadeen golaha Wakiiladu ayaa mar labaad lagu soo celiyay golaha kadib markii ay wax ka bedel iyo qiimayn lagu soo sameeyay.

Waxaana xeerkaasi gacanta ku hayay guddi hoosaadka khayraadka dabiciiga ah iyo deegaanka ee golaha Wakiiladda Somaliland ay dib u eegis iyo wax ka bedel ku soo sameeyeen.

Fadhigii maanta ee golahaasi ayaanay xubno ka tirsan guddi hoosaadka khayraadka dabiiciga ah waxay ka hor jeediyeen warbixin la xidhiidha xeerkaasi iyo wax ka bedelka ay ku soo sameeyeen qodobo ka mid ah.

Xeerka macdan qodista iyo arrimaha deegaanka ayaa muhiimad weyn u leh dalka dhaqaale ahaan iyo shaqo abuur ba, isla markaana fure u noqonaya in ay dalka yimaadaan shirkado ajaanib ah ooh awl macdan qodis dalka fuliya.

Hase maaadaama oo aan weli xeerkaasi si buuxda aanay u ansixinin goleyaasha sharci dejinta Somaliland ayaa loo arkaa inuu hor taagan yahay in ay dalka yimaadaan shirkado ka sameeyo hawlo sahamin iyo macdan qodiseed.

Sida uu sheegay xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan, oo ka tirsan guddi hoosaadka khayraadka dabiiciga ah oo warbixin xeerkaasi la xidhiidha fadhigii maanta golaha ka hor akhriyay.

Inkastoo ay jireen shirkado ajaanib ah oo gobolo ka mida Somaliland hore uga sameeyay hawl sahamin iyo qodis macdaneed, hadana ma jirin xeer ama sharci ay goleyaasha sharci dejintu ansixiyeen oo ay raacayeen shirkadahaasi.

Waxaanu sheegay xildhibaan Cartan, in ay ka guddi hoosaad ahaan xeerkaasi  u arkaan inuu yahay xeer wanaagsan oo wakhtigiisii jooga, una baahan in goluhu is dhaafiyo, inta uu shaqadiisa ka qabsado.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in ay jiraan shirkado badan oo u dabran xeerkaasi, isla markaana aan shaqadda geli Karin ilaa uu xeerkani hirgalo kaasoo ka  jawaabaya baahiyaha jira.

Geesta kale, xildhibaan Cartan, ayaa u soo jeediyay guddi ahaan in goluhu uu waajibaadkiisa ka guto oouu ansixiyo xeerkaasi.

Isagoo xusay in xeerkani yahay mid muhiimad weyn u leh dalka sida haday deegaanka tahay iyo haday tahay kala saarista  noocyadda kala duwan ee macdan qodista.

DAAWO: Xildhibaan Cartan Oo ka Warbixinaya Xeerkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY