Warbixin: Doorashooyinkii Kenya Ee Ay Rabshaduhu Ka Dhasheen

0
433

Nairobi (Hargeisa Press) – Muddo 30 sano ah oo uu dalka Kenya ka jiro nidaamka xisbiyada badan waxaa doorashooyinka dalkaasi mararka qaar ay dhaliyaan mowjado rabshado ay dad ku dhintaan, iyadoo natiijada doorashada lagu murmo, oo ay musharraxiinta loolameysa isku eedeeyaan wax is-daba-marin.

Iyadoo Kenya ay hadda isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee dhaceysa Talaadada oo ku began 9-ka August, ayaa warbixintan waxa ay eegeysaa qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii hore.

Doorashadii madaxtinimo ee 1992-kii

Daniel arap Moi, ayaa loo doortay madaxweynaha Kenya codbixintii ugu horeysay ee xisbiyo badan ay ku tartamaan oo dhacday 29-kii December ee 1992-kii, waxaana uu ka faaiideystay qeybsanaan xooggan oo ka dhex jirtay mucaaridka.

Moi, ayaa xukunka hayay tan iyo 1978-kii markaasi oo uu xilka la wareegay ka dib dhimashadii Jomo Kenyatta oo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Kenya ka dib markii ay xornimada ka qaadatay Britain.

Doorashadii 1992-kii, ayaa waxaa hadheeyay rabshado u dhexeeyay qabiilka Kalenjin ee uu Moi ka dhashay iyo qabiilka Kikuyu oo ay ka soo jeedaan Kenyatta iyo inta badan madaxda Kenya. Boqolaal qof ayaa ku dhintay rabshadahan.

2007-2008: Rabshadihii dhiigga badan ku daatay ee qowmiyadaha

Mwai Kibaki oo ahaa madaxweynaha uu wakhtigu ka dhammaanayay, ayaa markii labaad lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii la qabtay 27-kii December ee 2007, balse Raila Odinga oo la tartamayay ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay.

Isku dhacyo toddobaadyadii xigay dhacay, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,100 qof, iyadoo 600,000 oo qof ay ku qasbanaadeen in ay guryahooda ka qaxaan, dalkan oo loo arkayay in uu yahay iftiinka xasilloonida ee qaaradda Afrika.

Ubucda ay ka dheceen rabshadaha ugu daran, ayaa ahaa gobolka Rift Valley, halkaasi oo xubnaha qowmiyadaha Kalenjin iyo Luo, ee inta badan taageersanaa Odinga, ay isku dheceen xubnaha qowmiyadda Kikuyu, oo uu Kibaki ka dhashay.

28-kii February ee 2008-dii, ayaa la saxeexay heshiis awood qeybsi ahaa oo ay gadhwadeen ka ahayd beesha caalamka kaasi oo sheegayay in Kibaki uu sii ahaado madaxweyne halka Odinga uu noqdo ra’iisal wasaare.

Sannadkii 2010-kii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), ayaa furtay baadhitaan ku saabsan dembiyadii ka dhanka ah aadannimada intii ay socdeen rabshadihii 2007-2008.

Garsooreyaasha maxkamadda, ayaa laba sano ka dib xaqiijiyay eedeymo ka dhan ah Uhuru Kenyatta, oo uu dhalay Jomo Kenyatta iyo William Ruto, oo xilligaasi ka kala tirsanaa xisbiyadii iska soo horjeeday, waxaana labadaba lagu eedeeyey in ay gacan ku lahaayeen rabshadaha.

4-tii March, ee 2013-kii, ayaa Kenyatta waxa uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaasi iyadoo sanad ka dibna uu noqday madaxweynihii u horreeyey ee isaga oo xilka haya horyimaada maxkamadda ICC.

Laakiin dacwadihii ka dhanka ahaa Kenyatta iyo Ruto, ayaa markii dambe burburay, iyadoo dacwad oogihii hore ee maxkamadda ICC Fatou Bensouda ay sheegtay in olole aan kala joogsi lahayn oo loogu caga-jugleynayay dhibbaneyaasha iyo markhaatiyaasha uu dacwadaha ka dhigay kuwo aan la sii wadi karin.

Doorashadii 2017-kii

Kenyatta, ayaa doorashadii bishii August ee 2017-kii uga adkaaday Odinga, laakiin Odinga, ayaa diiday natiijada, waxa uuna sheegay in koox budhcad dhinaca internet-ka ah ay jabsatay xogtii guddiga doorashooyinka.

Go’aanka lagu shaaciyey in Kenyatta ay guushu raacday, ayaa kiciyay maalmo ay socdeen mudaaharaadyo rabsho watay oo ka dhacay deeggaannada ay ku badan yihiin taageerayaasha Odinga.

Odinga, ayaa cabashadiisa u gudbiyay maxkamadda sare, iyadoo kowdii September ay garsooreyaasha maxkamaddu si lama filaan ah ugu dhawaaqeen in natiijadii codbixintu ay tahay “mid aan sax aheyn oo waxba kama jiraan ah” waxayna maxkamaddu amar ku bixisay in 60 maalmood gudahood dib loo qabto doorashada.

Go’aankan, ayaa ahaa kii u horreeyey ee doorasho lagu baabi’iyay ee ka dhacay Afrika.

Kenyatta, ayaa bishii October mar kale dib loogu doortay doorasho ay qaadaceen mucaaradka oo ay yaraayeen tirada dadka codeeyey.

Toboneeyo qof, ayaa ku dhintay bannaanbaxyo dhacay doorashada ka dib waxayna u badnaayeen isku dhacyo ay la galeen booliiska.

Laakin labadan nin, ayaa 2018-kii dalka ka yaabiyay iyaga oo gacmaha is qabsaday kuna dhawaaqay isbahaysigooda, bannaankana dhigay Madaxweyne Ku-xigeen Ruto.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here